Hiiraan Online
Monday, May 20, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Axad, Aug 5 , 2012
Kulan looga hadlayay dilalka loo geysto Wariyeyaasha iyo Fanaaniinta oo ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir
Axad, Ogoosto 05, 2012 (HOL) — Kulan ay ka soo qayb-galeen saxafiyiin ka kala socday qaybaha warbaahinta iyo fannaaniinta ayaa maanta lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Banaadir, iyadoo kulankan ahaa mid looga hadlayay sababaha xilligan loo beegsanayo wariyeyaasha iyo fannaaniinta.
Kulankan oo ay soo qaban-qaabisay hay'adda CCD ayaa waxaa kasoo qayb-galay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda, sida guddoomiye ku-xigeenka gobolka Banaadir ee dhinaca maamulka iyo maaliyada, Iimaan Nuur Iikar, xoghayaha guud ee maamulka Gobolka, Cabdikaafi Hilowle Cismaan, taliyaha laanta dambi baarista, Jen. C/llaahi Xasan Bariise, guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo mas'uuliyiinta bulshada rayidka.
Iimaan Iikar oo kulanka furay ayaa tacsi u diray dhammaan intii Muqdisho lagu dilay, gaar ahaan suxufiyiinta iyo fanaaniinta, isagoo tilmaamay in dilalkan ay yihiin kuwo lagu beegsanayo dadka kuwa ugu qiimaha badan.
"Waxaan uga tacsiyadeynayaa shacabka Soomaaliyeed intii Muqdisho lagu dilay oo ugu dambeeyay Marshaale, dilalkan waa kuwo lagu beegsanayo dadka kuwa ugu qiimaha badan," ayuu yiri Iikar oo tilmaamay in maamulka Gobolka uu mudnaanta kowaad siiyay ammaanka, isagoo xusay inay muhiim tahay in laga wada-shaqeeyo amniga.
Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa isaguna daboolka ka qaaday in dilalka ka dhaca Muqdisho ay yihiin kuwo lagu ugaarsanayo inta aqoonta leh, si ay bulshadau ugu soo haraan kuwo aan aqoon lahayn, isagoo xusay in dilalkooda loo adeegsanayo kuwo maan-gaab ah.
"Taariikhda dilalka wariyeyaasha wuxuu soo bilowday 1993-dii, sababaha keenay waa in bulshada indhaha looga rido, waayo suxufiga bulshada ayuu wararka u tabinayaa, si aan loo helin cid bulshada wax u tabisa ayaa loo leynayaa," ayuu yiri Cabdikaafi Hilowle.
Gudoomiyaha ururrada bulshada rayid ee gobolka Banaadir, Muxiyadiin Xasan Afrax oo isna hadlay ayaa sheegay in dilalka laga doonayo in bulshada lagu qal-qal geliyo, isagoo sheegay in loogu tala-galayo in lagu naafeeyo dadka waxgalka ah.
"Si looga hortago kuwa dilalka u geysanaya dadka mas'uuliyiinta ah waa in la is-kaashado oo lasoo sheego kuwa wax dilaya, haddaan lawada shaqeyn waxaa dadka loo dili doonaa mid-mid, dilalka waa kuwo qorsheysan waxaa loo baahan yahay in saxafiyiinta is-difaacaan," ayuu Afrax ku yiri hadalkii uu ka jeediyay kulanka.
Maareeye ku-xigeenka wakaalada murtida iyo madadaalada, Abwaan C/kariin Faarax Jiir ayaa sheegay inuu ahaa shaqsigii u dambeeyay ee lasoo hadlay Marshaale ka hor intii aan la dilin, isagoo tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday, wuxuuna intaa ku daray in loo baahan yahay inay wada-shaqeyn dhex-marto dadka si looga hortago dilalka fannaaniinta ama wariyeyaasha.
Taliyaha laanta dambi baarista dowladda Jen. Bariise ayaa sheegay in dilalkan ay ku dhacaan wada-shaqeyn la'aan iyo in dadweynaha aysan soo sheegin kooxaha wax dilaya, isagoo tilmaamay in la haayo raadadka kuwii dilka ka dambeeyay.
Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay inay la gudboon tahay saxaafada inay is-difaacaan, isla markaana ay hubkooda qaataan haddii ay suurogal tahay, isagoo xusay inay waajib tahay in qofka uu is-difaaco, isagoo ugu baaqay dowladda inay saxafiyiinta u ogolaato inay hubka qaataan.
Ugu dambeyn, kulankan ayaa saxafiyiinta iyo wariyeyaasha ka qayb-galay ay isku weydaarsadeen talooyin muhiim ah oo la xiriira ammaanka, sida looga hortagi karo dilalka socda iyo in lagama maarmaan tahay in la helo wada shaqeyn dhex marta wariyeyaasha iyo fannaaniinta.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Youtube: Qaybo ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota oo Cambaareeyey dilkii marxuum Marshaale (Daawo)
8/5/2012 2:17 PM EST
Qaybo ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee nool gobolka Minnesota oo qaybtay kulna ay ku Cambaareeyey dilkii marxuum Marshaale (Daawo)
Shirkii saxiixayaasha Roadmapka oo lagu soo gabagabeeyay goor dhow magaalada Nairobi
8/5/2012 2:15 PM EST
Axad, August 05, 2012 (HOL) - Shirkii saxiixayaasha Roadmapka ayaa galabta lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho ku laabtay
8/5/2012 11:09 AM EST
Axad, August 05, 2012(HOL): Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Shariif Sh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, iyadoo si heer sare ah ay u soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo shacabka ku nool magaalada Muqdisho.
Xafalad Afur Iyo Casho Sharaf ah oo Magaalada London loogu sameeyey ciyaartoydii Iyo Wafdigii Olymbikada Soomaaliyeed
8/5/2012 10:23 AM EST
Axad, Ogoosto 05, 2012(HOL)— Habeenimaddii xalay ahayd waxaa magaalada London ka dhacdey xaflad afur iyo casho sharaf isugu jirta oo ay soo qabanqaabiyeen jaaliyadda soomaaliyeed ee London,xafladaas ayaa waxaa loo suubiyey wafdigii kasocdey olymbikada Soomaaliyeed oo uu hogaaminayey Gudoomiyaha gudigga olymbikada Soomaaliyeed kuwaas oo isugu jiray laba ciyaartoy ah iyo masuuliyiintii kale ee lasocotay.
Tartan Qur’aan aqris ah oo lagu soo gabgabeeyay magaalada Baladweyne
8/5/2012 9:55 AM EST
Axad, Agoosto, 05, 2012 (HOL) -- Waxaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan tartan Qur’aan aqrsi ah oo ay ku tartamayeen arday laga soo kala xulay dugsiyada quraanka ku kala yaala xaafaddaha magaalada kuwaasoo ka koobnaa ilaa 80 arday.
Ciidamada AMISOM ee ku sugan Degmada Baydhabo oo la kordhiyay iyo Ciidamo weli lagu daad-gureynayo Degmadaas
8/5/2012 9:31 AM EST
Axad, Ogoosto 05, 2012 (HOL) — Wararka aan ka helay degmada Baydhabo oo ah xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in boqolaal askari oo AMISOM ah la geeyay degmadaas, kuwaasoo ku biiraya 100-askari oo horraantii sannadkan la geeyay degmadaas.
Qaraxa miino oo ay ku dhinteen kooxihii dhigayey miinada oo ka dhacay Degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir
8/5/2012 8:07 AM EST
Axad, Ogoosto 05, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha degmada Huriwaa ee DKMG ah ee Soomaaliya, Cumar Cabdulle Jacfaan ayaa sheegay in degmada Huriwaa uu maanta ka dhacya qarax ay ku dhinteen labadii qof ee dhigayay.
Shirkado Gobolka Minnesota ee Waddanka Mareykanka kusoo bandhigay hab cusub oo lacagaha loogu xawilayo Soomaaliya
8/5/2012 7:42 AM EST
Axad, Ogoosto 05, 2012 (HOL) — Qaar ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya ka jira ee Hormuud, Golis iyo Telesom iyo xawaalada Tawakal ayaa si wadajir ah u bilaabay adeegyo loogu magac-daray Zaad iyo Sahal, kuwaasoo ah hab teleefoonka gacanta oo lacagta la isugu gudbinayo.
Shirkada Dahabshiil oo deeq Xoolo nool ah gaarsiisay Bukaannada ku jira Isbitaalka guud ee Magaalada Baladweyne
8/5/2012 7:36 AM EST
Axad, Ogoosto 05, 2012 (HOL) — Shirkada Dahabshiil ayaa maanta oo Axad ah gaarsiisay deeq xoolo nool ah (Ari) bukaanada ku jira Isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne.
Madaxweynaha Soomaaliya oo isaga baxay shirkii saxiixayaasha Roadmapka
8/5/2012 7:00 AM EST
Axad, August 05, 2012 (HOL) - Kadib khilaafaad soo dhex galay madaxda Soomaalida oo maalintii labaad uu Nairobi uga socday shirkii saxiixayaasha Roadmapka, maalin kadib markii ay la kulmeen Hillary Clinton ayaa madaxweynaha Soomaaliya uu ka baxay shirka.
Xoogagga Al-shabaab oo xalay Weerar ku qaaday saldhigyo ay ciidamadda DKMG ah ku leeyihiin degmada Afgooye
8/5/2012 3:10 AM EST
Axad, Ogoosto 05, 2012 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ayaa xalay weeraray laba saldhig oo ay ciidamada dowladda KMG ah ku lahaayeen degmada Afgooye, iyadoo la sheegay inay dhowr qof oo ka tirsan labada dhinac ku dhinteen dagaalkaas.
Dood-cilmiyeed ku saabsan mideynta Dhallinyarada oo lagu qabtay Magaalada Balad- weyne ee Xarunta Goblka Hiiraan
8/5/2012 3:08 AM EST
Axad, Ogoosto 05, 2012 (HOL) — Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa shalay lagu qabtay dood-cilmiyeed ay soo qabanqaabisay hay'adda wadahadalka bulshada ee CCD isla markaana ay kasoo qeyb-galeen qeybaha kala duwan ee dhallinyarada, culummaa'udiin, waxgarad iyo haweenka deggen degmadaas iyo degaanada ku dhow-dhow.
Maareeyihii Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo xalay la dilay iyo Dowladda KMG ah oo dilkiisa ku eedeysay Al-shabaab
8/5/2012 3:06 AM EST
Axad, Ogoosto 05, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Xamarweyne ee gobolka Baaadir maareeyihii garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, Ibraahim Imaam Xalane, iyadoo kooxaha dilka geystay ay u suurogashay inuu ka baxsadaan goobta.
Somali News
North Africa becomes central focus in war on terrorism
-
PPG
8/5/2012 5:45 AM EST
The Obama administration no longer sees the greatest terrorist threats in Afghanistan or Pakistan.
Beware: Shabaab using new tricks to kill
-
Daily Nation
8/5/2012 5:37 AM EST
Al-Shabaab operatives have devised a new way of carrying out terror attacks in Kenya. They are using unsuspecting people to carry explosive devices which they then detonate from a safe distance.
Farah makes Britain proud, with a little help from other countries
-
digibet
8/5/2012 5:29 AM EST
Somalia-born Mo Farah praised an American training partner and his Cuban coach for helping him to Britain′s first ever gold in the 10,000 metres on a night that will be enshrined in Olympic history.
Sudan and South Sudan reach deal on oil transit dispute
-
LA Times
8/5/2012 5:26 AM EST
Uneasy neighbors Sudan and South Sudan reached a deal on oil transit fees Friday, a day after a U.N. Security Council deadline passed for them to reach an agreement or face sanctions, it was announced Saturday.
Chinese aid boosts humanitarian interventions in Somalia: W.F.P.
-
Xinhua
8/5/2012 5:20 AM EST
A donation of 16 million U.S. dollars by the Chinese government nearly one year ago towards humanitarian interventions in Somalia at the peak of the country’s devastating drought has paid off, a UN official said to Xinhua in a recent interview.
Trigger-happy pirates 'found it easy to kill'
-
The National
8/5/2012 5:16 AM EST
The freed captain of the MV Albedo said yesterday that the hardest part of his 21 months as a hostage was calming down the trigger-happy gang of Somali pirates and keeping them from shooting his 22-man crew.
Uganda acquires ravens to increase force protection in Somalia
-
Press TV
8/5/2012 5:14 AM EST
According to Uganda’s defense state minister, General Jeje Odong, the Uganda People's Defence Force deployed in Somalia under the African Union Mission will use unmanned aircrafts to scout out the local Somalia terrain to increase situational awareness for troops on the ground by giving them a better picture of enemy positions.
Clinton pushes democracy in Kenya, seeks Somalia stability
-
Newser
8/5/2012 5:11 AM EST
U.S. Secretary of State Hillary Rodham Clinton pressed the leaders of Kenya on the importance of fair and free elections on Saturday and encouraged the African nation to be a "model for the entire world."