Hiiraan Online
Thursday, May 23, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Sabti, Aug 4 , 2012
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo casho sharaf loogu sameeyay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya (DAAWO SAWIRRO)
Sabti, August 04, 2012 (HOL) - Xaflad casho sharaf ah oo ay soo qabanqaabiyeen gudiga ganacsatada xaafada Islii ayaa Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi wali Maxamed Cali loogu sameeyay Hoteelka Laico Regency ee magaalada Nairobi.
Waxaana kulankan Ra'iisul wasaaraha ku weheliyay qaar kamid ah golihiisa wasiirrada, iyo dadweyne kale oo kasoo qaybgalay oo isugu jiray ganacsato,siyaasiyiin,odayaal,haween iyo dhalinyaro.
Ugu horrayna waxaa hadalka furay gudoomiyaha gudiga ganacsatada xaafada Islii Xaaji Xassan Guuleed oo hadal uu jeediyay ku ammaanay Ra'iisul wasaaraha, kagana codsaday inuu qabto jagada ugu sarreysa dalka.
"C/wali waxaa uu guulo ka keenay dawladnimada Soomaaliya intii uu ahaa Ra'iisul wasaaraha, haatanna waxaan ka codsanaynaa inuu dalka hogaankiisa ugu sarreeya qabto, si uu u dhammaystiro shaqooyinka harsan" ayuu yiri Xaaji Xassan.
Marwo Faadumo Jibriil oo iyaduna halkaas hadal ka jeedisay ayaa ku dheeraatay in la siiyo xuquuqda ay haweenku ku leeyihiin ka qaybqaadashada hannaanka dawladnimo ee Soomaaliya.
Faadumo Jibriil ayaa sheegtay in C/wali uu door muhiim ah ka ciyaaray qoondayntii 30% kuraasta ah ee haweenka laga siiyay baarlamaanka cusub ee haatan lasoo xulayo.
Qaar kamid golaha xukuumada oo ay kamid ahaayeen wasiirrada ganacsiga,qorshaynta,dastuurka, iyo dib u dhiska oo iyaguna halkaas hadallo ka jeediyay ayaa taageero u muujiyay Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, iyagoo ka codsaday inuu isu taago hanashada hogaanka dalka.
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya C/wali Maxamed Cali oo hadalka soo xiray ayaa jeediyay khudbad dheer oo uu kaga hadlay waxqabadkii xukuumadiisa.
C/wali ayaa sheegay in caqabado adag ay soo wajaheen, balse ay guulo ka gaareen dhammaan dhinacyada ansixinta dastuurka, xiriirka dibada, xoraynta gobollada, dawlad wanaagga iyo waliba tallaabooyinka kale oo badan oo loo qaaday dhanka soo celinta qarannimada Soomaaliya, sida uu yiri..
C/wali si rasmi ah uguma dhawaaqin inuu isu taagayo doorashada ka dhici doonta Soomaaliya, balse waxaa uu sheegay in qabsoomideedu xataa ay noqonayso mid kamid ah guulaha ay ku tillaabsatay xukuumadiisu.
Dhanka kalana Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu si kulul u weeraray beesha caalamka, waxaana uu sheegay in Soomaaliya aan loo caawin sida loo caawiyay wadamada kale ee ay ka dhaceen dagaallada sokeeye, lana galiyay kumeel gaar uu ku tilmaamay inuu qayb ka ahaa siyaasadaha Soomaaliya lagu hagardaamaynayo.
C/wali ayaa dhanka kalana xaqiijiyay in ay u baahantahay Soomaaliya gacanta beesha caalamka iyo taageeradooda, balse aysan mar naba gorgortan ka gali doonin karaamada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.
Hadalka Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ee ku aadanaa beesha caalamka ayaa ahaa kii ugu kululaa ee uu jeediyo tan iyo markii uu xilka qabtay.
Axmed C/samad, Hiiraan Online
asamad@hiiraan.com
Nairobi , Kenya
Post your comments
MO Farah oo ku guuleystay tartanka orodka ee 10,000 Mitir
8/4/2012 6:10 PM EST
Sabti, August 04, 2012(HOL): Orodyahanka Mo Farah ayaa caawa taariikh Isboorti oo dhinaca orodka ah sameeyay kaddib markii uu ku guuleystay orodka 10,000 ee mitir ee ragga. Mo Farah oo u ordayay Britain ayaa wuxuu noqday qofkii ugu horreeyay oo Biritish ah oo ku guuleystay billadda dahabka ah ee lagu helo orodka 10,000 mitir.
Hillary Clinton oo kulan la qaadatay hogaamiyayaasha Soomaalida (SAWIRRO)
8/4/2012 2:15 PM EST
Sabti, August 04, 2012 (HOL) - Xoghayaha amuuraha dibadda ee dalka Maraykanka Hillary Clinton ayaa maanta kulan la qaadatay hogaamiyayaasha Soomaalida.
Guddoomiyaha Ururka UMMADDA oo Madaxweyne Siilaanyo ku Eedeeyey Qabsoomid la’aanta Doorashooyinkiii Golaha Deegaanka Somaliland
8/4/2012 9:24 AM EST
Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Umadda Dr Maxamed Cabdi Gaboose ayaa qabsoomi la’aanta Doorashooyinka golaha deegaanka ku eedeeyey madaxweynah Somaliland, maadaama oo ay waajib ku tahay buu yidhi inuu suurtogaliyo dhicitaanka doorashaddaasi.
Guddiga Farsamada ee soo xulista Xildhibaannada Baarlamaanka oo dalbaday in ugu dambeyn berri lasoo gudbiyo magacyada Xidlhibaannada
8/4/2012 8:22 AM EST
Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Guddiga farasamada ee xulista baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dalbaday odayaasha dhaqanka ee ku howlan soo xulista xidhibaanada inay ugu dambeyn berri oo Axad ah soo gudbiyaan magacyada xildhibaannada baarlamaanka soo socda.
Shacabka Degmada Huriwaa oo Maanta dhigay Dibadbax ay uga Cabanayaan dhac ay sheegeen inay u geystaan Ciidamada DKMG ah
8/4/2012 8:00 AM EST
Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Bannaanbax ay dhigayeen dadweynaha ku nool degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir ayaa maanta ka dhacay degmadaas, kasaoo ay uga cabanayeen dhac ay sheegeen inay ciidamada dowladda KMG ah geystaan.
Guddoomiyihii Urur Siyaasadeedka SSCD ee Qiimeynta ku hadhay oo loo Magacaabay Wasiir-u-dawlaha Nabadeynta Arrimaha Goboladda Bariga
8/4/2012 7:35 AM EST
Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa gudoomiyihii urur siyaasadeedka SSCD oo ka mid ahaa ururaddii ku hadhay qiimeyntii guddidda Diiwaangelintu samaysay u magacaabay wasiirudawlaha Nabadaynta Arrimaha goboladda Bariga Somaliland.
Howlgallo ay sameeyeen ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo lagu soo qabqabtay askar kuwo kalena lagu dilay
8/4/2012 7:26 AM EST
Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Howgallo ay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ka sameynayeen labadii maalmood ee lasoo dhaafay waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxay kusoo qab-qabteen askari dhaca u geysanayay dadka shacabka ah, iyadoo dhowr askari oo kalena lagu dilay howgalkaas.
Daryanka Madafiicda culus oo Xalay laga Maqlayay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose
8/4/2012 7:16 AM EST
Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in xalay xaafado badan oo magaaladaas ka tirsan laga maqlayay daryanka madaafiic iyo hub culus oo ka dhacayay dhanka deegaanno xeebta ku beegan ee hoostaga magaalada Kismaayo.
Dagaal culus oo ciidamada DKMG, kuwa Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray degmada Qansax-dheere
8/4/2012 7:07 AM EST
Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 14-qof ayaa ku dhintay dagaal culus oo ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya oo dhinac ah iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray degmada Qansax-dheer ee gobolka Bay, iyadoo tiro inaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.
Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM oo saakay la wareegay gacan ku haynta Garoonka diyaaradaha KM-50
8/4/2012 5:51 AM EST
Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Saraakiisha ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inay saakay la wareegeen iyagoo gacan milateri ka helaya ciidamada AMISOM garoonka diyaaradaha KM-50 ee gobolka Shabeellada hoose.
Faahfaahinta dheeraad oo kasoo baxaysa Qaraxii ka dhacay Xaafadda Islii (Eastlight) ee Magaalada Nairobi
8/4/2012 4:55 AM EST
Sabti, August 04, 2012 (HOL) - Qarax shalay maqribkii ka dhacay xaafada Islii ee magaalada Nairobi, oo ah goob ay ku noolyiin kumannaan Soomaali ah ayaa waxaa kasoo baxaya warar is khilaafsan.
Somali News
Mo Farah makes history as first British man to take gold in Olympic 10000m
-
The Telegraph
8/4/2012 5:38 PM EST
Mo Farah sprinted into athletics legend here in London’s disbelieving Olympic Stadium, becoming the first British man ever to win the Olympic 10000m title, indeed any global 25-lap title, with a run of rare courage and brilliance.
U.S. encouraged by Somalia progress -Clinton
-
Reuters
8/4/2012 2:50 PM EST
NAIROBI (Reuters) - Somalia's political leaders are making encouraging progress toward meeting an Aug. 20 deadline to lay the groundwork for a new constitutional government, U.S. Secretary of StateHillary Clinton said on Saturday.
Alleged Somali pirate ordered back into custody
-
AP
8/4/2012 4:52 AM EST
WASHINGTON (AP) An alleged Somali pirate has been ordered back into custody after an appeals court reversed a lower court's decision to release him.
UAE participates in Mogadishu meeting, offers support to end decades-long instability in Somalia
-
8/4/2012 4:28 AM EST
Abu Dhabi (WAM) - The UAE participated in the international meeting held in Somalian capital Mogadishu to discuss ways to enhance support provided by the global community to Somalia. This is the first visit of a UAE delegation to Somalia in more than a decade and it coincided with....
Head of Al-Islah Meets with the Supreme Leader of the Muslim Brotherhood in Egypt
-
HOL
8/4/2012 4:15 AM EST
Cairo, August 3rd, 2012 – The official website of the Muslim Brotherhood reported today that the Murshid, (The Supreme Leader of the MB) Dr. Muhammad Badie met with Dr. Ali Basha Umar the head of Al-Islah, the Muslim Brotherhood branch in Somalia.
Team GB's Mo Farah's inspirational former PE teacher to cheer him at London 2012
-
The Independent
8/4/2012 2:55 AM EST
Out of the 80,000-strong crowd who will see Mo Farah compete tomorrow the proudest spectator will be his best man and former PE teacher Alan Watkinson.
Somalia: The European Union High Representative Catherine Ashton Visits EU Naval Force Operation Headquarters
-
EUNFS
8/4/2012 2:52 AM EST
On Thursday 2 August 2012, the High Representative of the Union for Foreign Affairs & Security Policy/Vice-President of the European Commission, Catherine Ashton, visited the EU Naval Force (EU NAVFOR) counter piracy operation headquarters (OHQ) in Northwood, UK. She was welcomed to the OHQ by Rear Admiral Duncan Potts, who is the Operation Commander to the EU NAVFOR.
Jobs, peace and love among reasons for moving to Canada
-
Edmonton Journal
8/4/2012 2:47 AM EST
For Ali Abdi, coming to Canada meant staying alive, but even after 20 years abroad, he still loves and misses his homeland of Somalia.
Emotional scenes as ship hostages return home
-
Khaleej Times
8/4/2012 2:40 AM EST
Emotional scenes were witnessed when seven Pakistani crew members of merchant ship MV Albedo were reunited with their families after 21 months late on Thursday night after flying into Karachi from Dubai.
Somalia: Aid trickles into Somalia's drought hit Baidoa region as militant group Al-Shabaab moves out
-
UNICEF
8/4/2012 2:38 AM EST
Until just three weeks ago, Nuriya Moallim and her family of nine children and grandchildren had managed to stay in their village in southern Somalia. Despite the failed rains and the drought of 2011, they persevere at home.
Somali war linked to brewing oil dispute
-
UPI
8/4/2012 2:31 AM EST
The military offensive by Kenyan and Ethiopian forces against Islamic al-Shabaab fighters is gearing up for an assault on the Indian Ocean port of Kismayo that's increasingly seen as a key element in a brewing dispute over oil and natural gas.
Clinton to Urge Somali Leaders to Complete Transition
-
VOA
8/4/2012 2:22 AM EST
U.S. Secretary of State Hillary Clinton is visiting Kenya to urge Somali leaders to complete a political transition to a new government on schedule.