Friday, May 24, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 30, 2012
Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo Muqdisho kulan ballaaran kula yeeshay Ardaydii Wax ka baratay Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed

Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo ah Murashax u taagan xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaatay ardaydii wax-ka-bartay qaybaha kala duwan ee jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed, isagoo kasoo noqday guddoomiyihii ardayda.

Kulankaas ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay qaar ka mid ah ardaydii ka wax-ka-bartay jaamacadda ayaa waxay uga mahadceliyeen kulanka uu soo qabanqaabiyay murashax Yuusuf Garaad, iyagoo sheegay in kulankan uu yahay mid ka tarjumaya sida ay uga go'an inuu dib u mideeyo ardaydii wax jaamacadda Ummadda.

Inj. Cabdiraxmaan Sayid Axmed oo ka mid ah ardaydii ka qalin-jabisay jaamacadda isla markaana macallin kasoo noqday ayaa wuxuu sheegay inay wax kusoo barteen canshuurtii umadda Soomaaliyeed, sidaa daraadeed qaranka Soomaaliyeed looga baahan yahay inaan u abaal-gudno.

"Qof waxbarashadiisa oo dhan ay ahayd mid lacag la'aan ah - min dugsi hoose illaa jaamacad, waxaa looga baahan yahay inuu kasoo dhalaalo kaalinta kaga beegan sama-tabixinta ummaddiisa iyo horumarka dalkiisa," ayuu yiri Inj. C/raxmaan Sayid.


Sidoo kale, waxaa kulanka ka hadlay Gorod oo yiri: "Waxaan hadda ogaaday in waqtigii dowladdii hore aan ahayn dad la siday oo tiigsanayay ujeeddooyin ku aaddan sidii ay u hormarin lahaayeen dalkooda iyo dadkooda, marka waxaan soo jeedinayaa in dib loosoo celiyo waayahaas quruxda badan ee ina soo maray."

Xubnihii kulanka ka hadlay waxaa ka mid ahayd Sahro Daaduus oo diiradda saartay doorka haweenka kaga aaddan dib u dhiska dalka, waxayna u soo jeedisay Yuusuf Garaad maadaama ay waayeen saamigii ay baarlamaanka ku lahaayeen in haddii uu guuleysto uu ka shaqeeyo sidii haweenku ay qayb ugu yeelan lahaayeen dowladda soo socota.

Musharax Yuusuf Garaad oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu la kulmo ardaydii wax ka baran jirtay jaamacadda ummadda Soomaaliyeed wuxuu sheegay in haddii uu ku guuleysto doorashada madaxnimo ee dalka uu sameyn doono naadi kulmiya ardaydaas si looga faa'iideysto aqoontooda.


Ugu dambeyn, Yuusuf Garaad wuxuu sheegay in haddii uu ku guuleysto xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya uu ka shaqeyn doono nabadda, dib u heshiisiinta, isagoo ka codsaday aqoonyahannadii wax ka bartay jaamacadda ummadda inay ku gacan-siiyaan sidii dalka loo samata-bixin lahaa. Isagoo intaas ku daray inuu haddii uu waayo xilka madaxweynimo uu ka shaqeyn doono horumarka dalka.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

8/30/2012 10:00 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Iyadoo ay maxkamadda sare ee dalka ay amar ku bixisay in hoggaamiye kooxeedyadii uu guddiga farsamadu ka saaray liiska ka mid noqoshada baarlamaanka ay ka mid noqdaan baarlamaanka ayaa waxaa weli taagan muran ku saabsan ka mid noqoshadooda baarlamaanka.

8/30/2012 8:51 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Carwo aan nooceeda oo kale hore looga qaban Somaliland ayaa shalay lagu soo badhigay magaalada Hargaysa, taasoo ay kasoo qayb-galeen hay’adaha caalamiga ah, kuwa wadaniga ah iyo kuwa dawliga ah ee ka hawl-gala Somalliland, kuwaasoo carwada kusoo bandhigay wax-qabadkooda.

8/30/2012 8:26 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Shirweynihii aqoonyahanka reer Awdal ee TOL ayaa lagu soo gebogabeeyey magaaladda Boorame ee gobolka Awdal, kaas oo maalmihii u dambeeyey ka socday magaaladaasi.

8/30/2012 8:12 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Kulan ay ka qaybgaleen 204 xidlhibaan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta ka dhacay Muqdisho ayaa lagu doortay guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ka kooban 16-xubnood, kuwaasoo guddoomiye uu u yahay Jen. Muuse Xasan Cabdulle oo ahaa guddoomiyihii KMG ah ee baarlamaanka Soomaaliya.

8/30/2012 6:42 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Afar shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaal shalay ka dhacay deegaanka hawdka ka xiga degmadda Xarshin ee gobolka Jigjiga ee Kililka shanaad, kaas oo u dhexeey dadka deegaanka iyo Ciidamadda Liyuu booliska loo yaqaan ee deegaanka Soomaalida Itoobiya.

8/30/2012 6:02 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Afhayeenka milateriga dalka Kenya oo ka mid noqday AMISOM, Emmanuel Chirchir ayaa sheegay in dagaal ay Arbacadii gobolka Jubbada hoose ay Al-shabaab kaga dileen 42 dagaalyahan, tiro intaas ka badanna ay kaga dhaawaceen.

8/30/2012 5:34 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Illaa sadax askari oo ka tirsan ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ee dowladda Soomaaliya ayaa ku geeriyootay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhashay miino nooca dhulka lagu aaso ah oo ka dhacay afaafka hore ee degmada Baladweyne.

8/30/2012 4:44 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Qarax miino ayaa saakay ka dhacay baratmaha degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, kaasoo aan waxyeello geysan, sida ay sheegeen goobjoogayaal ku sugan degmada Baydhabo iyo qaar ka mid ah mas'uuliyiinta maamulka degmadaas.

8/30/2012 4:43 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Murashaxiinta u tagaan xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay doorashada afhayeenka baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa, iyagoo ku tilmaamya waji cusub oo baarlamaanka Soomaaliya uu yeeshay.

8/30/2012 4:41 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa laba wiil oo walaalo ah ku dilay shalay gallinkii dambe xaafadda Suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa, halkaasoo ka mid ah deegaannada ugu rabshadaha badan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

8/30/2012 4:40 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Kulan baarlamaanka federaalka Soomaaliya uga furmay Muqdisho ayaa waxaa hadlayaa doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado inay dhawaan ka dhacdo Muqdisho, waxaana kulanka shir guddoominaya Prof. Maxamed Sheekh Cimsaan Jawaari oo dhawaan loo doortay afhayeenka cusub ee baarlamaanka.