Friday, May 24, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 30, 2012
Dagaal khasaare dhaliyay oo dhexmaray Dad Reer Miyi ah iyo Ciidamada Liyuu Boolis ee Deegaanka Soomaalida Itoobiya
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Afar shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaal shalay ka dhacay deegaanka hawdka ka xiga degmadda Xarshin ee  gobolka Jigjiga ee Kililka shanaad, kaas oo u dhexeey dadka deegaanka iyo Ciidamadda Liyuu booliska loo yaqaan ee deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Wararka naga soo gaadhaya deegaankaasi  dagaalku ka dhacay  oo la yidhaa Cilmi Xirsi ayaa sheegaya in afar qof ay ku dhaawacmeyn dagaalkaasi, halka ciidanka Liyuu booliskana la sheegay in laba askari ku dhinteen, wallow aan la xaqiijin Karin tirada rasmiga ah ee dhaawac ama dhimasho ee ciidamadda.

Mid ka mid ah eheladda dadkan shacabka ah ee dagaalka la galay ciidamadda Liyuu booliska ayaa sheegay in baryahan dambe uu muran xaga dhulka ahi jiray, balse wakhtiga kala guur ah ay ka faa’iidaysteen ciidamadda liyuu booliska ahi inay dadka ka raraan, kuwaas oo dadkiina diiday inay ka guuraan, taasina ay keentay dagaal dhiig ku daato.

Haseyeeshee, dagaalkan ayaa la filan karaa inuu mar kale dib ugu soo noqdo, maadaama oo qolo waliba dhankeedda isku soo abaabulayso, la iskuna hub urursanayo, waxay dadku ka cabsi qabaan in ciidamadda Liyuu boolisku ay weerar ku soo qaadaan dadkaasi reer Miyiga ah.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland




Post your comments

8/30/2012 10:00 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Iyadoo ay maxkamadda sare ee dalka ay amar ku bixisay in hoggaamiye kooxeedyadii uu guddiga farsamadu ka saaray liiska ka mid noqoshada baarlamaanka ay ka mid noqdaan baarlamaanka ayaa waxaa weli taagan muran ku saabsan ka mid noqoshadooda baarlamaanka.

8/30/2012 8:51 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Carwo aan nooceeda oo kale hore looga qaban Somaliland ayaa shalay lagu soo badhigay magaalada Hargaysa, taasoo ay kasoo qayb-galeen hay’adaha caalamiga ah, kuwa wadaniga ah iyo kuwa dawliga ah ee ka hawl-gala Somalliland, kuwaasoo carwada kusoo bandhigay wax-qabadkooda.

8/30/2012 8:46 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo ah Murashax u taagan xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaatay ardaydii wax-ka-bartay qaybaha kala duwan ee jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed, isagoo kasoo noqday guddoomiyihii ardayda.

8/30/2012 8:26 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Shirweynihii aqoonyahanka reer Awdal ee TOL ayaa lagu soo gebogabeeyey magaaladda Boorame ee gobolka Awdal, kaas oo maalmihii u dambeeyey ka socday magaaladaasi.

8/30/2012 8:12 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Kulan ay ka qaybgaleen 204 xidlhibaan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta ka dhacay Muqdisho ayaa lagu doortay guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ka kooban 16-xubnood, kuwaasoo guddoomiye uu u yahay Jen. Muuse Xasan Cabdulle oo ahaa guddoomiyihii KMG ah ee baarlamaanka Soomaaliya.

8/30/2012 6:02 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Afhayeenka milateriga dalka Kenya oo ka mid noqday AMISOM, Emmanuel Chirchir ayaa sheegay in dagaal ay Arbacadii gobolka Jubbada hoose ay Al-shabaab kaga dileen 42 dagaalyahan, tiro intaas ka badanna ay kaga dhaawaceen.

8/30/2012 5:34 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Illaa sadax askari oo ka tirsan ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ee dowladda Soomaaliya ayaa ku geeriyootay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhashay miino nooca dhulka lagu aaso ah oo ka dhacay afaafka hore ee degmada Baladweyne.

8/30/2012 4:44 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Qarax miino ayaa saakay ka dhacay baratmaha degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, kaasoo aan waxyeello geysan, sida ay sheegeen goobjoogayaal ku sugan degmada Baydhabo iyo qaar ka mid ah mas'uuliyiinta maamulka degmadaas.

8/30/2012 4:43 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Murashaxiinta u tagaan xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay doorashada afhayeenka baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa, iyagoo ku tilmaamya waji cusub oo baarlamaanka Soomaaliya uu yeeshay.

8/30/2012 4:41 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa laba wiil oo walaalo ah ku dilay shalay gallinkii dambe xaafadda Suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa, halkaasoo ka mid ah deegaannada ugu rabshadaha badan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

8/30/2012 4:40 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Kulan baarlamaanka federaalka Soomaaliya uga furmay Muqdisho ayaa waxaa hadlayaa doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado inay dhawaan ka dhacdo Muqdisho, waxaana kulanka shir guddoominaya Prof. Maxamed Sheekh Cimsaan Jawaari oo dhawaan loo doortay afhayeenka cusub ee baarlamaanka.