Saturday, May 25, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 30, 2012
Kenya oo sheegtay in Dagaalyahanno Al-shababa ka tirsan ay Ciidamadeedu ku dileen Dagaal ka dhacay Jubbada Hoose
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Afhayeenka milateriga dalka Kenya oo ka mid noqday AMISOM, Emmanuel Chirchir ayaa sheegay in dagaal ay Arbacadii gobolka Jubbada hoose ay Al-shabaab kaga dileen 42 dagaalyahan, tiro intaas ka badanna ay kaga dhaawaceen.

Sarkaalkan ayaa sheegay in dagaalkaas ay ku qabsadeen dhul ballaaran oo ay ka talin jirtay Al-shabaab, sido kalena ay ku furteen hub isugu jiray qoryaha fudud iyo rasaas kala duwan, balse ma sheegin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray ciidamada Kenya.

"Ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM oo ay wehlinayaan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa weerar ku qaadeen saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaannada Cag-libaax oo ka tirsan Bilis-qooqaani, waxaana weerarkaas lagu dilay 42 dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan tiro kalena waa looga dhaawacay," ayuu yiri Chirchir.

Afhayeenku wuxuu sheegay in howgalkaas ay sidoo kale ku gubeen afar gaadiidka dagaalka ah, booyad iyo gaari kuwa xamuulka ah sahay waday, dagaalka ay kula jiraan Al-shabaabna uu sii socon doono.

"Askari ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayuu dhaawac fudud uu soo gaaray, waxaana lagu daweynayaa Dhoobley. Deegaannada ay ciidamada isbahaysanaya qabsadeen waxay ahaayeen goobo ay Al-shabaab weerarrada kasoo abaabuli jireen," ayuu yiri Chirchir.

Dhanka kale, saraakiil u hadlay Xarakada Al-shabaab ayaa iyaguna sheegay inay iska difaaceen weerar ay ciidamada dowlada iyo kuwa Kenya kusoo qaadeen ayna ku sugan yihiin deegaannadii ay dagaalladu ka dhaceen.

Balse goobjoogayaal ku sugan deegaannada ay dagaalladu ka dhaceen ayaa laga soo xigtay in ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ay ku sugan yihiin deegaanno ku dhow magaalada Kismaayo oo ah xarunta gobolka Jubbada hoose.

Xaaladda ayaa maanta daggan iyadoo wararka laga helayo gobolka Jubbada hoose ay sheegayaan in barakac uu ka socdo Kismaayo, halkaasoo ay aad ugu xooggan tahay Al-shabaab, waxayna ballanqaadeen inay difaacan doonaan magaaladaas.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

8/30/2012 10:00 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Iyadoo ay maxkamadda sare ee dalka ay amar ku bixisay in hoggaamiye kooxeedyadii uu guddiga farsamadu ka saaray liiska ka mid noqoshada baarlamaanka ay ka mid noqdaan baarlamaanka ayaa waxaa weli taagan muran ku saabsan ka mid noqoshadooda baarlamaanka.

8/30/2012 8:51 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Carwo aan nooceeda oo kale hore looga qaban Somaliland ayaa shalay lagu soo badhigay magaalada Hargaysa, taasoo ay kasoo qayb-galeen hay’adaha caalamiga ah, kuwa wadaniga ah iyo kuwa dawliga ah ee ka hawl-gala Somalliland, kuwaasoo carwada kusoo bandhigay wax-qabadkooda.

8/30/2012 8:46 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo ah Murashax u taagan xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaatay ardaydii wax-ka-bartay qaybaha kala duwan ee jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed, isagoo kasoo noqday guddoomiyihii ardayda.

8/30/2012 8:26 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Shirweynihii aqoonyahanka reer Awdal ee TOL ayaa lagu soo gebogabeeyey magaaladda Boorame ee gobolka Awdal, kaas oo maalmihii u dambeeyey ka socday magaaladaasi.

8/30/2012 8:12 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Kulan ay ka qaybgaleen 204 xidlhibaan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta ka dhacay Muqdisho ayaa lagu doortay guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ka kooban 16-xubnood, kuwaasoo guddoomiye uu u yahay Jen. Muuse Xasan Cabdulle oo ahaa guddoomiyihii KMG ah ee baarlamaanka Soomaaliya.

8/30/2012 6:42 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Afar shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaal shalay ka dhacay deegaanka hawdka ka xiga degmadda Xarshin ee gobolka Jigjiga ee Kililka shanaad, kaas oo u dhexeey dadka deegaanka iyo Ciidamadda Liyuu booliska loo yaqaan ee deegaanka Soomaalida Itoobiya.

8/30/2012 5:34 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Illaa sadax askari oo ka tirsan ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ee dowladda Soomaaliya ayaa ku geeriyootay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhashay miino nooca dhulka lagu aaso ah oo ka dhacay afaafka hore ee degmada Baladweyne.

8/30/2012 4:44 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Qarax miino ayaa saakay ka dhacay baratmaha degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, kaasoo aan waxyeello geysan, sida ay sheegeen goobjoogayaal ku sugan degmada Baydhabo iyo qaar ka mid ah mas'uuliyiinta maamulka degmadaas.

8/30/2012 4:43 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Murashaxiinta u tagaan xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay doorashada afhayeenka baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa, iyagoo ku tilmaamya waji cusub oo baarlamaanka Soomaaliya uu yeeshay.

8/30/2012 4:41 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa laba wiil oo walaalo ah ku dilay shalay gallinkii dambe xaafadda Suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa, halkaasoo ka mid ah deegaannada ugu rabshadaha badan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

8/30/2012 4:40 AM EST
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Kulan baarlamaanka federaalka Soomaaliya uga furmay Muqdisho ayaa waxaa hadlayaa doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado inay dhawaan ka dhacdo Muqdisho, waxaana kulanka shir guddoominaya Prof. Maxamed Sheekh Cimsaan Jawaari oo dhawaan loo doortay afhayeenka cusub ee baarlamaanka.