Thursday, May 23, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 29, 2012
Hoggaamiye Kooxeedyadii horay loo diiday oo loo ogolaaday in Baarlamaanka cusub ay ka mid noqdaan iyo Muran ka taagan Arrintan
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Maxkamada sare ee dalka ayaa go'aamisay inay hogaamiye kooxeedyadii horay loogu diiday inay baarlamaanka ka mid noqdaan ay ka mid noqon karaan baarlamaanka, iyadoo baabi'isay diidmadii guddiga farsamada kasoo baxday.

Gudoomiyaha Maxkamada sare ayaa sheegay in xildhibaanadan oo tiradoodu tahay 15 xubnood ay xaq u leeyihiin inay baarlamaanka ka mid noqdaan maadaama aanay jirin maxkamad ku xukuntay dambiyo dagaal oo ay horay u geysteen.

"Eedeeymihii xubnahan loosoo jeediyay waa kuwo waxba kama jiraan ah, waayo shuruudihii lagu ogolaan karo ka mid noqoshada baarlamaanka kuma jirin in ruux aan dambi lahayn loo diido, ragganna waa la ogaa. Haddii ruux loogu diidayo inuu ka mid noqdo baarlamaanka hoggaamiye kooxeed buu ahaa waxaa lagu soo dari lahaa shuruudaha," ayuu lagu yiri qoraal kasoo baxay maxkamada sare ee dalka.

Xubnaha loo ogolaaday inay ka mid noqdaan baarlamaanka ee horay loo diiday ayaa waxay kala yihiin:
  1. Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe)
  2. Maxamed Qanyare Afrax
  3. Cabdiraxmaan Xaaji Aadan (Ibbi)
  4. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil
  5. Axmed Ducaale Geelle Xaaf
  6. Bootaan Ciise Caalin
  7. Cumar Maxamuud Maxamed (Filish)
  8. Maxamed Ibraahim Xaabsade
  9. Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale
  10. Maxamed Xuseen Nuur Xagaafi
  11. Cabdicasiis Sheekh Yuusuf
  12. Xirsi Aadan Rooble
  13. Cabdulqaadir Xaaji Maxamed Yuusuf (Luga-Dheere)
  14. Maxamed Faarax Jimcaale
  15. Aadan Maxamed Nuur Xaydar (Saransoor)
Maxkamadda sare ayaa sheegtay inuusan jirin go'aan ka horimaan kara inay ka mid noqdaan baarlamaanka cusub, iyadoo lagu wado in la dhaariyo inayna si toos ah uga mid noqdaan baarlamaanka Soomaaliya oo lagu wado inuu toddobaadyo kaddib doorto madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Go'aanka maxkamadda ayaa waxaa ka dhashay muran xooggan, iyadoo xubnaha guddiga ay sheegeen in go'aanka maxkamadda sare uusan ahayn mid la aqbali karo, iyagoo sheegay inuu weli jiro go'aankii loogu diiday inay baarlamaanka ka mid noqdaan.

Xubnahan oo la siiyay kaararkooda aqoonsiga ayaa waxay kulammo kula qaateen madaxtooyada Soomaaliya ee uu waqtigiisu sii dhamaanayo, Shariif Sheekh Axmed kaasoo dadaal dheeraad ah u galay sidii ay xubnahaan baarlamaanka uga mid noqon lahaayeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

8/29/2012 9:20 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa maanta xilkii ka qaaday wasiirkiisa warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland, Boobe Yuusuf Ducaale.

8/29/2012 9:04 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxeysa dagaal xooggan oo saaka ka qarxay inta u dhexeysa Degmada Afmadow iyo deegaanka Birta Dheer ee gobolka Jubbada Hoose, dagaalkaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskaambooni oo kaashanaya Militariga Kenya iyo xoogagga Al-shabaab.

8/29/2012 8:49 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo la doortay shalay, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa wuxuu kulankiisii ugu horreeyay la yeeshay maanta wakiillo ka socday beesha calaamka oo uu ku jiray wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaablisan arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga.

8/29/2012 8:48 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Xubno ka mid ah madaxdii Xisbiga UDUB ee usoo digo rogtay xisbiga KULMIYE, ayaa maanta xaflad weyn oo ay ku muujinayaa awoodoodda taageero ku soo bandhigay hotel Maansoor ee magaaladda Hargeysa.

8/29/2012 6:38 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Dagaallo culus oo u dhexeeyo ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo militariga Kenya oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al-shabaab ayaa saaka ka qarxay deegaanka Cag-libaax ee duleedka Afmadow, iyadoona dagaalku yahay mid xooggan.

8/29/2012 4:45 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Kadib kulamo is daba-jooga ah oo maalmihii ugu danbeeyayba uga socday mas’uuliyiinta Ahlusunna Waljameeca ee Gobolka Galguduud ayay ugu dambeyntii ku go’aansadeen inay sameystaan maamul gobolleed u gaar ah.

8/29/2012 3:50 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo saddex ka mid ah ay ka tirsan yihiin booliiska Kenya iyo qof rayid ah ayaa ku dhintay qaraxyo ka dhacay magaalads Mombasa ee dalka Kenya, waxaana qaraxyadan ku dhaawacmay 16 ka tirsan booliiska Kenya.

8/29/2012 3:18 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa u hambalyay guddoonka cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah in dadka Soomaaliyeed ay 42 sano kaddib yeeshaan baarlamaan lagu doortay gudaha dalka.

8/29/2012 3:17 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay dhowr kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kaddib qaraxyo waaweyn oo xalay ka dhacay gudaha degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada hoose, xilli ay halkaas ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo baaritaanno sameynayay.