Saturday, May 18, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 29, 2012
Ciidammo ka tirsan Booliiska dalka Kenya iyo dad shacab ah oo ku dhintay Qaraxyo ka dhacay Magaalada Mombasa

Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo saddex ka mid ah ay ka tirsan yihiin booliiska Kenya iyo qof rayid ah ayaa ku dhintay qaraxyo ka dhacay magaalads Mombasa ee dalka Kenya, waxaana qaraxyadan ku dhaawacmay 16 ka tirsan booliiska Kenya.

Qaraxyadan oo loo adeegsaday bambooyinka gacanta ayaa waxaa lala beegsaday ciidammo isku dayay inay joojiyaan rabshado ay sameynayeen muslimiinta ka caroday dil Isniintii lasoo dhaafay loogu geystay magalaadaas wadaad caan ah oo lagu magacaabi jiray Cabdow Rogo Maxamed.

"Waxaa rabshadaha socda nooga dhintay laba askari iyo hal sarkaal, dhamaantood waxaa lagu dhaawacay weerarro bam oo dhacay xalay iyo shalay gallinkii dambe," ayuu yiri Aggrey Adoli oo ah taliyaha booliiska gobolka xeebta ku yaalla ee dalka Kenya.

Boqollaal dhallinyaro ah oo careysan ayaa rabshadaha ka socda Mombasa qayb ka ah kuwaasoo dhagaxaan la beegsanaya meel walba, sidoo kalena gubay gaadiid iyo dukaammo, sidoo kalena waxay galeen kaniisado iyagoo qaatay wixii halkaas dhex-yaallay.

Dadka ajnabiga ah ee ku nool Kenya ayaa loogu baaqay inaysan u safrin magaalada Mombasa oo 500-km bari kaga beegan magaalada Nairobi ee xarunta Kenya, iyadoo dowladda Kenya ay isku dayaysaa inay joojiso rabshadaha oo uu muuqda kuwo sii baahaya.

"Waxaa nooga dhaawacmay rabshadaha socda 16 askari oo qarkood ay xaaladoodu aad u adag tahay," ayuu yiri sarkaal booliiska Kenya ka tirsan, iyadoo ciidammo fara badan oo Kenya lagu arkayo gudaha degmadaas.

Dilka Sheekh Rogo ayay booliisku sheegeen inay ka dambeeyeen kooxo hubeysna oo aan la garanayn, kaddib markii ay ku weerareen gaari mini-bus ah oo xaaskiisa iyo caruurtiisa ay la saarnaayeen, lamana oga khasaaraha gaaray qoyskiisa.

"Muslimiintu waa inay jawaab bixiyaan, waa inay isku duubni u muujiyaan gaalada ayna qaataan go'aan walba oo ayna ka difaacaan diintooda, sharafkooda, hantidooda iyo naftooda cadowga Islaamka," ayay Al-shabaab ku sheegtay war ay soo saartay.

Dhallinyaro careysan ayaa ku qaylinayay in la dilay wadaad ay aad u jeclaayeen waxayna dilkiisa ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen masiixiyiin ay sheegeen inay booliiska gacan-saar la leeyihiin.

Xukuumadda Washington iyo Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Sheekh Rogo uu xiriir adag la lahaa Al-shabaab, sidoo kalena uu dhallinyarada Kenya ku guubaabin jiray inay u dagaalamaan Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

8/29/2012 9:55 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Maxkamada sare ee dalka ayaa go'aamisay inay hogaamiye kooxeedyadii horay loogu diiday inay baarlamaanka ka mid noqdaan ay ka mid noqon karaan baarlamaanka, iyadoo baabi'isay diidmadii guddiga farsamada kasoo baxday.

8/29/2012 9:20 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa maanta xilkii ka qaaday wasiirkiisa warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland, Boobe Yuusuf Ducaale.

8/29/2012 9:04 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxeysa dagaal xooggan oo saaka ka qarxay inta u dhexeysa Degmada Afmadow iyo deegaanka Birta Dheer ee gobolka Jubbada Hoose, dagaalkaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskaambooni oo kaashanaya Militariga Kenya iyo xoogagga Al-shabaab.

8/29/2012 8:49 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo la doortay shalay, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa wuxuu kulankiisii ugu horreeyay la yeeshay maanta wakiillo ka socday beesha calaamka oo uu ku jiray wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaablisan arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga.

8/29/2012 8:48 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Xubno ka mid ah madaxdii Xisbiga UDUB ee usoo digo rogtay xisbiga KULMIYE, ayaa maanta xaflad weyn oo ay ku muujinayaa awoodoodda taageero ku soo bandhigay hotel Maansoor ee magaaladda Hargeysa.

8/29/2012 6:38 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Dagaallo culus oo u dhexeeyo ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo militariga Kenya oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al-shabaab ayaa saaka ka qarxay deegaanka Cag-libaax ee duleedka Afmadow, iyadoona dagaalku yahay mid xooggan.

8/29/2012 4:45 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Kadib kulamo is daba-jooga ah oo maalmihii ugu danbeeyayba uga socday mas’uuliyiinta Ahlusunna Waljameeca ee Gobolka Galguduud ayay ugu dambeyntii ku go’aansadeen inay sameystaan maamul gobolleed u gaar ah.

8/29/2012 3:18 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa u hambalyay guddoonka cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah in dadka Soomaaliyeed ay 42 sano kaddib yeeshaan baarlamaan lagu doortay gudaha dalka.

8/29/2012 3:17 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay dhowr kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kaddib qaraxyo waaweyn oo xalay ka dhacay gudaha degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada hoose, xilli ay halkaas ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo baaritaanno sameynayay.