Friday, May 24, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 29, 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo u Hambalyeeyay Guddoonka Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya loo doortay

Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa u hambalyay guddoonka cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah in dadka Soomaaliyeed ay 42 sano kaddib yeeshaan baarlamaan lagu doortay gudaha dalka.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen madaxweynaha, guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka, labadiisa ku xigeen iyo guddoomiyihii KMG ahaa ayuu Shariif Sheekh ku sheegay in howl-wanaagsan ay qabteen mudaneyaasha baarlamaanka iyo guddigii doorashada isla markaana la doonayo in howsha dhimman la dhammeystiro.

“Waa taariikh cusub oo Soomaaliya u bilaabaneysa, waxaana rajeyneynaa hadduu Alle idmo inay sidaas isku dabo socoto, dowladda soo socotana ay noqoto middii Soomaaliya ay uga baxeysay dhibaatooyinkii faraha badnaa ee soo gaaray, horumarka jirana dhammeystiri lahayd,” ayuu yiri Shariif Sheekh.

Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Prof. Jawaari oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa isaguna sheegay in doorashadii dhacday ay ahayd mid taariikhi ah, baarlamaanka cusubna uu yahay mid tayo leh oo wax badan ka qaban doono xaalka dalka Soomaaliya uu ku jiro.


“Waxaan filayaa baarlamaankani inuu yahay baarlamaan aad u fiican, waxaan hubaa inuu noqon doono mid ku tallaabsada in isbedel uu Soomaaliya gaarsiiyo iyo xasilooni siyaasadeed hadduu Alle idmo,” ayuu yiri Prof. Jawaari.

Sidoo kale, madaxweyne Shariif ayaa ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ugu hambalyeeyay tallaabadii ay Al-shabaab uga saareen magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose iyo deegaano kale, isagoo shacabka ugu baaqay inay ciidamada la shaqeeyaan.

Dhanka kale, Danjire Augustine Mahiga isaguna u hambalyeeyay guddoonka cusub ee loo doortay baarlamaanka Soomaaliya isagoo sheegay inuu yahay mid dhabbaha u xaaraya sidii ay Soomaaliya uga bixi lahayd ku-meel-gaarnimada ayna u yeelan lahay dowlad joogto ah, isagoo ka muujiyay rajo in doorashada madaxweynaha ay ku dhici doono 10 maalmood gudahood ah.

Afhayeenka cusub ee baarlamaanka oo 66-jir ah ayaa wuxuu ku dhashay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose sannadkii 1945-kii, isagoo ka mid noqday golihii wasiirrada dowladdii milateriga ahayd ee Soomaaliya, wuxuuna jagooyin kala duwan oo agaasimayaal ay ka mid yihiin kasoo qabtay dowladdaas.


Intii dalka uu ka jiray burburka ayaa wuxuu ku noolaa dalka Norway, halkaasoo uu ka ahaa macallin wax ka dhiga dugsiyada sare ee dalkaas, wuxuuna labadii sano ee ugu dambeeyay oo uu dalka ku sugnaa uu ka mid ahaa guddiga qoraalka dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Puntland iyo Koonfurta Soomaaliya ayaa aad u soo dhaweeyay doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo Prof. Jawaari ku sheegay shaqsi aan xanaf lahayn, Soomaaliyna ku hoggaamin kara dimuqraadiyad.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

8/29/2012 9:55 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Maxkamada sare ee dalka ayaa go'aamisay inay hogaamiye kooxeedyadii horay loogu diiday inay baarlamaanka ka mid noqdaan ay ka mid noqon karaan baarlamaanka, iyadoo baabi'isay diidmadii guddiga farsamada kasoo baxday.

8/29/2012 9:20 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa maanta xilkii ka qaaday wasiirkiisa warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland, Boobe Yuusuf Ducaale.

8/29/2012 9:04 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxeysa dagaal xooggan oo saaka ka qarxay inta u dhexeysa Degmada Afmadow iyo deegaanka Birta Dheer ee gobolka Jubbada Hoose, dagaalkaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskaambooni oo kaashanaya Militariga Kenya iyo xoogagga Al-shabaab.

8/29/2012 8:49 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo la doortay shalay, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa wuxuu kulankiisii ugu horreeyay la yeeshay maanta wakiillo ka socday beesha calaamka oo uu ku jiray wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaablisan arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga.

8/29/2012 8:48 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Xubno ka mid ah madaxdii Xisbiga UDUB ee usoo digo rogtay xisbiga KULMIYE, ayaa maanta xaflad weyn oo ay ku muujinayaa awoodoodda taageero ku soo bandhigay hotel Maansoor ee magaaladda Hargeysa.

8/29/2012 6:38 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Dagaallo culus oo u dhexeeyo ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo militariga Kenya oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al-shabaab ayaa saaka ka qarxay deegaanka Cag-libaax ee duleedka Afmadow, iyadoona dagaalku yahay mid xooggan.

8/29/2012 4:45 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Kadib kulamo is daba-jooga ah oo maalmihii ugu danbeeyayba uga socday mas’uuliyiinta Ahlusunna Waljameeca ee Gobolka Galguduud ayay ugu dambeyntii ku go’aansadeen inay sameystaan maamul gobolleed u gaar ah.

8/29/2012 3:50 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo saddex ka mid ah ay ka tirsan yihiin booliiska Kenya iyo qof rayid ah ayaa ku dhintay qaraxyo ka dhacay magaalads Mombasa ee dalka Kenya, waxaana qaraxyadan ku dhaawacmay 16 ka tirsan booliiska Kenya.

8/29/2012 3:17 AM EST
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay dhowr kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kaddib qaraxyo waaweyn oo xalay ka dhacay gudaha degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada hoose, xilli ay halkaas ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo baaritaanno sameynayay.