Saturday, May 25, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 28, 2012
Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari oo noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka kaddib markii uu tanaasulay Prof. Galleyr
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in Prof. Maxamed Cismaan Jawaari uu si rasmi ah u noqday afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya kaddib markiii uu tanaasulay Prof. Cali Khaliif Galleyr oo ay isugu soo hareer wareeggii ugu dambeeyay.

Guddiga ayaa sheegay in Prof. Jawaari uu helay wareeggii koowaad 119 cod halkii laga doonayay 139 cod, balse tanaasulka uu sameeyay Prof. Galleyr ay sababtay inuu noqdo guddoomiyaha rasmiga ah ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Wareeggii koowaad ee doorashada ayaa shanta murashax ee xilka u tagaan waxay kala heleen Prof. Jawaari oo helay 119 cod, Prof. Cali Khaliif Galleyr oo 77-cod helay, Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo helay 23-cod, C/rashiid Maxamed Xiddig oo helay 10-cod iyo Xasan Abshir Faarax oo helay shan cod.

Saddexda murashax ee ugu codadka yaraa ayaa waxay ku dhawaaqeen inaysan ka qaybgalay doorashada wareegeedda labaad, iyadoo markaas ay isku soo hareen oo keliya Jawaari iyo Galleyn, inkastoo Galleyr uu mar dambe ku dhawaaqay inuusan ka qaygalay doorashada, taasina ay keentay in Prof. Jawaari uu noqdo guddoomiyaha baarlmaanka Soomaaliya.

Guddigu waxay sheegeen in 236 xildhibaan ay codadkooda dhiibteen, laba cod ay xumaadeen intii kalena la tiriyay, iyadoo dugsiga tababarka booliiska oo doorashadu ay ka dhacaysay aad loo adkeeyay ammaankeeda, waxaana halkaas ku sugnaa ciidammo fara badan oo isugu jira kuwa dowladda iyo kuwa AMISOM.

Maanta ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay muddo 21-sano ah oo ay Soomaaliya yeelato baarlamaan joogto ah, kaasoo ah hay'adda sharc-dajinta dalka, iyadoo ay billaabanayso doorashada guddoomiye ku xigeennada baarlamaanka.

Xarunta ay doorashadu ka socoto ayaa waxaa lagu dhaariyay 23 xildhibaan oo 13 ka mid ah ay ahaayeen kuwii horay ay guddiga farsmadu dib u celiyaan, balse ay maanta ogolaaday maxkamadda sare inay ka mid noqdaan baarlamaanka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

8/28/2012 3:43 PM EST
Talaado, August 28, 2012(HOL): Waxaa goor dhaweyd soo gebagebowday doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo ay isu soo taageen illaa 10 musharrax.

8/28/2012 9:54 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa shaaciyey waxyaalaha looga baahan yahay xisbiyadda, ururadda iyo musharaxiinta laga rabo.

8/28/2012 8:28 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Iyadoo dhawaan ay xukuumadda Soomaaliya u magacowday safiir dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa guddiga taakuleynta safaarada Soomaaliya ee gobolka Westren-Cape waxay sheegeen inay ku dhawaaqi doonaan bilaabidda qaabkii loo aruurin lahaa dhaqaalihii lagu dhisiyo guriga safaaraddu ay degi lahayd.

8/28/2012 6:32 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Xiisado dagaal ayaa laga dareemayaa deegaanada galbeed ee gobolka Jubada hoose, iyadoona dhaqdhaqaaqyada ciidan ay saameyn xooggan ku yeesheen shacabka ku dhaqan qeybo katirsan gobolka Jubada hoose.

8/28/2012 6:23 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Dusiga sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ka socota hadda tirinta codadka ay dhiibteen 228 xildhibaan oo soo xaadiray kulanka lagu dooranayo guddoonka sare ee baarlamaanka.

8/28/2012 6:05 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Kulan lagu taageerayay beelaha Jareer-weyne uga mid noqday baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lagu qabtay Muqdisho, kaasoo ay ka qaybgaleen nabaddoono, siyaasiyiin, aqoon-yaahnno, haweenka iyo iyo dhalinyarada beelaha.

8/28/2012 3:44 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Hay'adda cunnada iyo beeraha adduunka ee FOA ayaa sheegtay in mid ka mid ah shaqaalaheeda lagu dilay degmada Makro ee xarunta ee gobolka Shabeellada hoose, halkaasoo ay hay'addu ay ku leedahay xarun weyn.

8/28/2012 3:30 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Xaaladda degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada hoose ayaa daggan saakay, kaddib markii xoogaggii Al-shabaab ay isaga baxeen degmadaas, sidoo kalena ay ciidammo ka tirsan oo xafado ka mid ah degmadaas galay ay dib uga baxeen isla shalay.

8/28/2012 3:20 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ayaa waxaa maanta oo Talaaso ah lagu dooranayaa guddoomiyaha iyo ku xigeennada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, kaasoo inta badan xubnihiisa la dhaariyay toddobaadkii hore.