Wednesday, May 22, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 27, 2012
Afhayeenka AMISOM oo sheegay in Ciidamada Dowladda iyo AMISOM ay la wareegeen gacan ku haynta Degmada Marko
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika (AMISOM), Col. Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay in maanta ay ciidamadooda iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo iskaashanaya ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta degmada Marko ee gobolka Shabeellada hoose.


Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa la sheegay inay xaafado ka tirsan degmada Marko ku sugan yihiin halka kuwo AMSIOM oo wata taagiyo iyo gaadiid kale oo dagaal ay ku sugan yihiin daafaha degmadaas oo 90-km Koonfur kaga beegan xarunta Soomaaliya ee Muqdisho.

"Waxaan qabsannay Marko, waxaan saakay inagoo kaashanayna ciidamada dowladda Soomaaliya," ayuu yiri afhayeenka AMISOM, Col. Xaamud oo intaas ku daray. "Dagaallo aan xooganayn ayaa dhacay intii aanan gelin Marko, xoogaggii Al-shabaabna way isaga baxeen degmadaas."

Goobjoogayaal ku sugan degmada Marko ayaa waxay sheegeen inay xaafado ka mid ah degmadaas ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya, cabsi badana ay ka jirto degmada.

Degmada Marko ayaa waxay ka mid noqonaysaa degmooyin dhowr oo ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay kala wareegeen Al-shabaab, kuwaasoo oo ay ku jirto degmada Afgooye oo 30-km galbeed kaga beegan Muqdisho.

Xoogaggii Al-shabaab ee degmada Marko ku sugnaa ayaa la sheegay inay aadeen dhinaca degmada Baraawe oo gobolkaas ka tirsan, waxaana la sheegay inay isku dayayso Al-shabaab inay difaacato degmada Kismaayo oo ay dagaallo ku wajahan yihiin.

Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa tani waxay u noqonaysaa guulihii ugu waaweynaa ee ay gaareen tan iyo markii ay howgalkooda ka bilaabeen gudaha Soomaaliya sannadkii 2007, iyagoo dagaalo sanadkii hore dhacay ku qasbay Al-shabaab inay isaga baxeen fariisimihii ay Muqdisho kaga sugnaayeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

8/27/2012 10:57 AM EST
Isniin, Agoosto 27, 2012 (HOL) - Guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa soo saaray liiskii ugu dambeeyey oo gaaraya 255 xubnood, waxaana dhimman 20 xubnood

8/27/2012 10:44 AM EST
Rabshado uu dhiig ku daatay ayaa ka soconaya magaalada Mombasa ee xarunta gobolka xeebta ee Kenya.

8/27/2012 9:30 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB ee Somaliland, ayaa maanta shirweynihiisii golaha dhexe ku qabsaday hotel Ambassador ee magaaladda Hargeysa, halkaas oo ay iskugu yimaadeen 105 ka mid ah xubnaha golaha dhexe ee xisbiga.

8/27/2012 8:07 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, C/weli Maxamed Cali, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka Soomaaliya, Jen. Muuse Xasan ayaa maanta Muqdisho kulan kula yeeshay wafdi ay hoggaaminayso wakiilka midowga Yurub u qaabilsan arrimaha dibadda iyo siyaasadda ammaanka, Catherine Ashton.

8/27/2012 7:39 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunno-qabteyn saaray, Abuubakar Shariif Axmed oo ah wadaad Kenyan ah, kaasoo lagu eedeeyay inuu taageero siiyay Xarakada Al-shabaab.

8/27/2012 6:56 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan caruur ah ayaa ku dhintay 10 kalena way ku dhaawacmeen qarax bambaano oo maanta ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabellada hoose.

8/27/2012 6:29 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM ayaa maanta gaaray deegaan ku dhow degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada hoose, halkaasoo ay saddexdii sano ee lasoo dhaafay ay ka talinaysay Xarakada Al-shabaab.

8/27/2012 6:26 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Aqoon-isweydaarsi ay soo qaban-qaabisay xarunta horumarinta dhalinyarada Soomaliyeed “center for youth development” (CYD) ayaa shalay lagu qabtay degmada Balcad ee gobolka Shabeelada dhexe.

8/27/2012 4:06 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed inuu doonayo inuu baarlamaanka cusub ee Soomaaliya kusoo xubno dagaal-oogayaal ay hogay u diideen guddiga farsamo ee xulista baarlamaanka.

8/27/2012 4:06 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Avv. Caydiid Cabdullaahi Ilko-xanaf ayaa sheegay in maxkamadda sare ay go'aan kama dambeys ah ka gaari doonto maanta oo Isniin ah dacwadaha xildhibaannadii loo diiday inay ka mid noqdaan baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

8/27/2012 3:59 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Laba ka mid ah tahriibayaal Soomaaliyeed ayaa lagu dilay dalka Yemen shan kalena waa lagu dhaawacay kaddib iska-horimaad ku dhexmaray ciidamada ammaanka Yemen iyo kooxo hubeysan oo burcad ah meel ku dhow xerada qoxootiga Al-Qaras oo ay ku jiraan Qoxooti Soomaaliyeed ku taalla gobolka Laxaj ee Koonfurta dalka Yemen.

8/27/2012 3:58 AM EST
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Abwaan Maxamuud Goox Qarboosh oo ka mid ah fannaaniinta iyo abwaaniinta Soomaaliyeed ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo labadii maalmood ee ugu dambeyay uu xanuun ku hayay.