Wednesday, May 22, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 23, 2012
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sheegay inay la dagalamaayaan Dowladda cusub ee loo dhisayo Soomaaliya
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Hoggaamiye sare oo Al-shabaab ka tirsan ayaa ku dhawaaqay inay la dagaalamayaan dowladda cusub ee Soomaaliya loo dhisayo, isagoo sheegay inay u arkaan mid shisheeyuhu sameysteen ayna doonayaan inay ku fushadaan danahooda gaarka ah.


Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ah hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-shabaab ayaa sheegay inaysan iyaga waxba ka gelin cidda loo dooranayo madaxweyaha cusub ee Soomaaliya, balse ay ka go'an tahay inay la dagaalamaan dowladda cusub ee lasoo dhisayo.

"Qofkii lagu arko wax yar oo wadaadnimo ah meesha waa laga saarayaa, waxayna keensanayaan qofkii dantooda ka shaqeynaya," ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir oo intaas ku daray: "Annagu saf ayaan ka nahay mana ogolaanayno inay dalkan iyo dadkan hoggaamiyaan."

Sheekh Xasan Daahir wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay dagaalladaas ka qaygalaan, isagoo sheegay inay rajo weyn ka qabaan inay dowladda cusub kaga guuleysan doonaan dagaallada ay la galayaan.

"Mujaahidiinta waxaan leeyahay cidda aan la dagaalamaysaa waa cadowga Alle iyo cadowgiinna, waa inaadan dagaalka joojin oo aadan ka caajisina, waayo waa mid waajib idinku ah sida culummada Islaamka oo dhan ay qabto," ayuu hadlkiisa kusoo gabgabeeyay.

Xarakada Al-shabaab oo weli ka talisa dhul ballaaran oo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ku yaalla ayaa waxay dagaallo adag kula jirtaa ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM iyo Itoobiya.

Tan iyo dhammaadkii sannadkii hore ayay Al-shabaab isaga baxeen deegaanno ay horay uga talin jireen, kuwaasoo ay ku jiraan degmooyinka gobolka Banaadir iyo kuwo ka tirsan gobollada Shabeellada hoose, Shabeellada dhexe, Hiiraan, Bakool, Bay iyo Jubooyinka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

8/23/2012 9:48 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Hay'adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa uga digtay Kenya iyo Al-shabaab inay yareeyaan khasaaraha shacabka Kismaayo ku nool kasoo gaaraya dagaallada u dhexeeya, sida ay HRW ku sheegay warbixin ay soo saartay maanta oo Khamiis ah.

8/23/2012 9:45 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Sida uu HOL u sheegay wariye ku sugan degmada Guri-ceel ee gobollka Galguduud sacaadihii ugu danbeeyay waxaa degmada ka jirta xiisad ka dhalatay maxaabiis rag hubeysan maalintii shalay kala baxeen saldhiga degmada.

8/23/2012 9:18 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Laba ruux oo caruur ah ayaa ku dhaawacmay duqeymo ay gallinkii dambe ee maanta diyaarado dagaal u geysteen degmada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaasoo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab.

8/23/2012 9:10 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Ciidamada amaanka Mareykanka ayaa xabsiga dhigay Talaadadii lasoo dhaafay nin hubeysan oo fariin habjaad ah internet-ka u mariyay madaxweynaha Mareykanka Barack Obama.

8/23/2012 8:22 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Afar qof oo dhalinyaro ah oo dhowaan lagu afduubay deegaanka Sool-joogto ee degmadda Buuhoodle ayaa kooxdii afduubatay sii daysay ka dib markii odayaasha iyo waxgaradka Buuhoodle waanwaan ka galeen siideyntoodda.

8/23/2012 8:17 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah maanta ugu dhawaaqday in gobolka Hiiraan oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya laba gobol loo qaybiyay, kuwaasoo kala ah: gobolka Hiiraan iyo gobolka Shabeellada sare oo xaruntiisu noqonayso degmada Buulo-barde.

8/23/2012 4:02 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka dalka Kenya, Faarax Macallin oo ka hadlay geerida ra'iisul wasaarihii dalka Itoobiya, Meles Zenawi ayaa wuxuu ku eedeeyay inuu mas'uul ka ahaa dhibaatada ka taagan Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya.

8/23/2012 3:54 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta billaabaya howshooda qabashada araajita murashaxiinta u taagan xilka afhayeenka baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa oo doorashadoodu ay dhici doonto toddobaadka soo socda.

8/23/2012 3:47 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Ciidammo iyo gaadiid nooca dagaalka ah oo la sheegay inay kasoo goosteen maamulka Khaatumo ayaa soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

8/23/2012 3:46 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Haweenka Soomaaliyeed ayaa ka cabanaya lambarka ay ku yeesheen baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo qaybtiisii ugu horreysay; taasoo ay ku jiraan haween aad u tiro yar.

8/23/2012 3:34 AM EST
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Dhibaatooyin dhanka nolosha ah ayaa laga soo sheegayaa deegaanka Diif ee ku yaal soohdinta u dhexeeysa Kenya iyo Soomaaliya ee dhanka Jubooyinka, iyadoona deegaankaasi ay ku noolyihiin boqollaal qoys oo ay saameeyeen dhibaatooyin nolol xumo.