Hiiraan Online
Tuesday, June 18, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Cheap Calls
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Sabti, Aug 18, 2012
Madaxweynaha Kenya oo ku hanjabay in dalkiisu uu cunno-qabteyn kusoo rogi doono Qas-wadayaasha Soomaaliya
Sabti, Ogoosto 18, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dalka Kenya ayaa sheegay inay ka go'an tahay xukuumaddiisa inay cunno-qabteyn kusoo rogto kuwa caqabada ku ah hannaanka siyaasadda Soomaaliya ee loogu yeero qas-wadayaasha.
Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Kenya, Mwai Kibaki ayaa loogu digay shaqsiyaad iyo kooxo isku dayaya inay qalqal geliyaan heshiiskii Roadmap-ka oo la doonayo in lagu dhameeyo xilliga KMG ah ee Soomaaliya.
"Waxaan doonaynaa inaan digniin cad u dirno dhammaan kuwa kasoo horjeeda heshiiska Roadmap-ka ee la doonayo in lagu xasiliyo Soomaaliya kaddib bisha Ogoosto ee sannadkan 2012, Kenyana uma dulqaadanayso dhaqamada noocaas oo kale ah," ayuu Kibaki ku yiri warsaxaafadeedka oo Jimcihii shalay kasoo baxay xafiiskiisa.
Sidoo kale, madaxweynaha Kenya wuxuu sheegay in kooxaha falalkaas ku kacaya lagula xisaabtami doono ficilladooda, ka dowlad ahaanna aysan ogolaanayn inay ku guuleystaan kooxahaas falalkooda, waxaana kusoo rogaynaa cunnoqabteyn.
Kibaki wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan sidii dalkooda uu uga bixi lahaa dhibaatada, ayna gacan ka geystaan sidii uu dalka uga bixi lahaa KMG ah looguna guuleysan lahaa howlaha socda sida: doorashada afhayeenka baarlamaanka iyo doorashada madaxweynaha si uu u soo dhiso dowlad joogto ah oo ay Soomaaliya yeelato.
Madaxweynaha Kenya wuxuu sidoo kale ugu baaqay hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya inay dantooda gaarka ah ka hormariyaan danta dadweynaha ayna ku fikiraan sidii ay Somaaliya dib ugu dhisi lahaayeen; isagoo xusay in la tallaabidda xilliga KMG ah ay Soomaaliya u horseedayso jawi cusub.
Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay dhammaan Soomaalida gudaha iyo kuwa dibadda ku nool inay taageeraan hannaanka lagu doonayo in Soomaaliya ay kaga gudbto xilliga meel ku gaarka ah.
Dhanka kale, madaxweynaha Kenya wuxuu sheegay inay dhankooda taageerayaan hannaanka looga gudbayo xilliga KMG ah iyo Roadmap-ka, isagoo xusay in la dhisi doono dowlad lala xisaabtami karo.
Ugu dambeyn, madaxweynaha Kenya wuxuu sheegay inuu bishii Feberaayo ee 2004 uu billaabay inuu dadaal u galo sidii ay Soomaaliya kaga bixi lahayd xilliga adag ee ay muddada kusoo jirtay, isagoo xusay in xiligaas hoteelka Safari Park ee Nairobi ku yaalla uu kula hadlay hoggaamiyeyaasha Soomaalida.
Hanjabaadda ay Kenya u jeedisay kooxaha loogu yeero qas-wadayaasha ayaa waxay kusoo imaanaysaa kaddib laba billood markii ururka Midowga Afrika, IGAD iyo Qaramada Midoobay ay digniin u jeediyeen qaswadayaasha Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Dadweynaha magaaladda Hargeysa oo si weyn ugu diyaar garoway Ciidda iyo xidhiidhiga Suuqa weyn ee magaaladda
8/18/2012 11:58 AM EST
Sabti, Ogoosto, 18, 2012 (HOL)- Ciidda Soonfur ayaa maalmihii u dambeeyey aad looga dareemayaa guud ahaan Somaliland, gaar ahaan magaaladda Hargeysa, waxaanay dadweynuhu ku qulqulayeen goobaha Tukaamadda ah ee lagu iibiyo agabka kala duwan ee dharka, kabaha iyo waxyaalaha kale ee guryaha lagu qurxisto ka midka yihiin.
AMISOM oo iska fogeeysay inay ku lug leedahay duqeymihii loo geystay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose
8/18/2012 8:22 AM EST
Sabti, Ogoosto 18, 2012 (HOL) — Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay inay ka walaacsan yihiin khasaaraha dadka rayidka ah ee ku nool Kismaayo oo ay maamusho Al-shabaab kasoo gaaray duqeymo loo geystay magaaladaas.
Xildhibaannada Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya oo Maalinta Isniinta ah ee soo socota yeelanaya kulankooda ugu horreeya
8/18/2012 7:48 AM EST
Sabti, Ogoosto 18, 2012 (HOL) — Guddiga xulista baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay hayaan tirada 242-mudane oo baaristooda la dhameeyay, wuxuuna guddigu sheegay in xildhibaannadan ay fadhigooda ugu horreeya yeelanayaan maalinta Isniinta ah ee soo socota.
Maydadka Saddex Dhallinyaro ah oo Maanta lagu arkay gudaha Bartamaha Degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo
8/18/2012 7:22 AM EST
Sabti, Ogoosto 18, 2012 (HOL) — Maydadka saddex ruux oo dhallinyaro ah ayaa lagu arkay maanta bartamaha degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, iyadoo ay warar kala duwan kasoo baxayaan dhimashada dhallinyarada.
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay inuu aqbalayo natiijada doorashada uuna xilka ka dagayo haddii laga adkaado
8/18/2012 3:28 AM EST
Sabti, Ogoosto 18, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu aqbalo natiijada kasoo baxda doorashada madaxnimo ee Soomaaliya wax walba oo ay noqoto.
Somali News
Somalia names 202 members of new parliament
-
AP
8/18/2012 5:07 PM EST
MOGADISHU (AP) — Somalia on Saturday took a step toward electing a new president after a committee overseeing the war-torn country's transition to a replacement government named more than 200 parliamentarians.
Political changes fail to excite disenfranchised Somalis
-
AP
8/18/2012 2:23 PM EST
MOGAIDHU, Somalia (AP) - Somali leaders are on the verge of naming a new parliament that is supposed to elect a president by Monday, but it's hard to find any ordinary Somalis excited by the political changes: They don't have the right to vote.
Health: Is eating egg yolks as bad as smoking?
-
CNN
8/18/2012 2:09 PM EST
A new study suggests eating egg yolks can accelerate heart disease almost as much as smoking. The study published online in the journal Atherosclerosis found eating egg yolks regularly increases plaque buildup ...
Switzerland takes in refugees from Malta
-
swissinfo.ch
8/18/2012 6:27 AM EST
Switzerland has accepted 19 North African refugees from Malta, Justice Minister Simonetta Sommeruga told Swiss radio on Friday. The transfer marks the first time Switzerland has taken refugees as part of the "Eurema" initiative.
K'naan to publish children's book
-
Regina Leader-Post
8/18/2012 6:25 AM EST
Toronto rapper K'naan plans to publish a children's picture book about his life.
Uganda: UPC Mourns Soldiers Killed in Chopper Crash
-
New Vision
8/18/2012 6:22 AM EST
Uganda Peoples' Congress (UPC) party has mourned the UPDF soldiers killed in a helicopter crash in Kenya on its way to Somalia.
Promote security in Africa with cooperation
-
China Daily
8/18/2012 6:18 AM EST
Security concerns remain a big problem for Africa. Power shifts, tribal and religious conflicts, border disputes, gun proliferation and terrorism are all causes for instability and uncertainty in Africa.
African Union Mission in Somalia concern over Kismayo casualties
-
Xinhua
8/18/2012 6:15 AM EST
The African Union Mission in Somalia (AMISOM) is concerned with media reports of civilian casualties in the Al Shabaab-run port city of Kismayo caused by recent military airstrikes, the mission said in a statement.
Somalia May Miss Key Political Benchmarks
-
VOA
8/18/2012 6:12 AM EST
Observers of Somalia's political transition process say the final political benchmarks to end the transition, including the election of a new president, will not be met by the August 20 deadline. An arbitration committee working to solve clan disputes on how to share parliamentary seats is yet to reach agreement.
Uganda ready to send more helicopters to Somalia
-
New Vision
8/18/2012 6:09 AM EST
Uganda is willing to send another set of combat helicopters to fight the al-Shabaab militants in Somalia despite the setback it suffered when three aircraft crashed in Kenya last Sunday.
Somali president hits back against U.N. graft charges
-
Reuters
8/18/2012 4:50 AM EST
MOGADISHU (Reuters) - Somalia's president dismissed a U.N. report that accused senior leaders of corruption and defended his record as he campaigned for re-election in a landmark vote.
Holiday in Somalia turns into nightmare
-
RNW
8/18/2012 4:47 AM EST
Sarah, of Somali descent but born in the Netherlands, was 16 when she was forced to marry her uncle in Somalia. After several attempts she managed to escape from Mogadishu last month and go back home. She now lives in hiding in a women’s shelter in the Netherlands.