Jimco, Ogoosto 17, 2012 (HOL) — Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ahaa magacyada xubno dhawaan ay guddiga xulista xidlhibaannadu dib u soo celiyeen ayaa iska fogeeyay inuu ka mid yahay hoggaamiye kooxeedyada Soomaaliya.
Mudane Xaabsade oo la hadlayay VOA-da ayaa sheegay in sababta loo soo celiyay uusan weli garan, isagoo sheegay inaysan jirin dacwad dambi ku caddeysay sidoo kalena uusan ogeyn halka laga keenay warkan.
"Aniga hoggaamiye kooxeed ma ihi, soo celinta magacaygana waxaan u arkaan inay tahay isbaaro loo dhigtay beelaha Soomaaliyeed," ayuu yiri Xaabsade isagoo xusay in beelaha uu kasoo jeedo ee digil iyo mirifle aysan lahayn hoggaamiye kooxeed oo ay ahaayeen beelo iska difaacayay beelo kusoo duulay, balse aysan iyagu duulaan ahayn.
Mar la weydiiiyay su'aal ahayd inay saameyn ku yeelan karto soo celinta magaciisa ay soo celiyeen guddiga xulista baarlamaanka ayuu sheegay inaysan saameyn ku yeelanayn, sidoo kalena aysan wax cabsi ah gelinayn.
"Khaladaadkii Soomaaliya ka dhacay waxaa looga heshiiyay shirkii Embagathi, aniga maxkamad wax iguma soo caddeyn - shuruudaha Roadmap-ka waxaa ka mid ahaa in qofkii aan dambi gelin shan sano uu ka mid noqonayo baarlamaanka, anigana lix sano ayaan Imbegathi kaddib ahaa wasiir," ayuu yiri Xaabsade.
Ugu dabeyn, Xaabsade wuxuu guddiga xulista xildhibaannada baarlamaanka ku eedeeyay inay iyagu wataan in dib ay u soo celiyaan magacyada, isagoo sheegay inaysan arrintaan DKMG ah iyo Qaramada Midoobay aysan waxba ka ogeyn.
Guddiga xulista xildhibaanada baalamaanka baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa waxay dhawaanahan dib u celinayeen magacyada xubnaha looga shakisan yahay inay dambiyo dagaal galeen iyo xubno kale oo qaarkood lagu celiyay aqoon-darro.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo iska diiday inuu ka mid yahay Hogaamiye Kooxeedyada Soomaaliya
More News
- Xaflad lagu taageerayay Murashax Dr C/raxmaan Baadiyow oo lagu qabtay Magaalada Stockholm (SAWIRRO)
- Liiska Xubnaha Barlamaanka Federaalka ee Soomaaliya
- Madaxweynaha Soomaaliya iyo Danjire Mahiga oo kulmay hadalna soo saaray
- Dhallinyaro Qurbaha ka timid oo booqday Xarun lagu Tababaro Dhallinyaro dagaalladu ay saameyn ku yeesheen
- Hay'adda gargaarka Qalam oo Raashin Sakaatul Fidri ah u qaybisay Boqolaal Qoys oo ku nool Baydhabo iyo Hareeraheeda
- Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo bixiyay amar lagu soo xiray Gacan yarihii Suldaanka beesha Tunni
- Xarrakada Al-shabaab oo la wareegtay gadiid siday raashin gargaar ah oo loo waday deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan
- Hay'adihii Samafalka ee dalka Turkiga oo intoodii badnaa Xilliga Kala-guurka Awgiis uga baxay Magaalada Muqdisho
- Booliiska AMISOM iyo Booliiska Dowlada KMG ah ee Soomaaliya oo maanta socod ku maray Waddooyinka Muqdisho Qaarkood
- Hay'adda Laanqeyrta Cas ee ICRC oo Gargaar Cunno ah u qaybisay 420,000 oo Qof oo ku nool Magaalada Muqdisho
- Ururka Midowga Afrika oo sheegay in AMISOM aysan Faragelin ku sameyn doonin Doorashada Madaxnimo ee Soomaaliya
- Ururka Al-shabaab iyo Kenya oo guulo ka kala sheegtay dagaal ka dhacay deegaanka Faafax-dhuun ee Gobolka Gedo