Shirweynihii labaad ee Xisbiga Hiil Qaran oo Maanta lagu soo gabgabeeyay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Arbaco, Abriil 18, 2012 (HOL) — Shirweynihii labaad ee xisbiga Hiil Qaran oo muddo shan maalmood ka ah ka socday Muqdisho ayaa maanta oo Arbaco ah lagu soo gabgabeeyay hotel Naasa-hablood, waxaana goobjoog ka ahaa mas'uuliyiinta ugu sarreysa xisbiga.
Guddoomiyaha xisbiga Hiil Qaran, Ibraahim Macallin Mursal oo ka hadlay halkaas ayaa wuxuu ku dheeraaday sidii lagu soo aasaasay xisbiga, marxaladihii uu soo maray iyo mustaqbalka waxay higsanayaan.
Mr. Mursal wuxuu sheegay in xisbiga ay hoggaamiyaan 11-xubnood oo loogu magac-daray xubnaha dhuuxa xisbiga, wuxuuna sheegay in xubnahan aan loo ogoleyn inay siyaasadda ka qaybgalaan ama ay darjo siyaasadeed qabtaan. Isagoo sheegay in sheegay in xubnahan ay yihiin kuwa loo celiyo talada guud ee xisbiga.
"Xisbigan waa mid ruuxi ah oo loogu talogalay inuu Soomaaliya ka saaro dhibaatada ay kusoo jirtay muddada dheer. Waana mid ka madaxbannaan reer-reer," ayuu yiri Mursal, isagoo sheegay inaysan aqbali karin wax aan Soomaali ahayn.
Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo loo doortay guddoomiyaha dhinaca siyaasadda ee Xisbiga Hiil Qaran oo isagana ka hadlay madasha ayaa sheegay in qorshahoodu uu yahay sidii ay dadka Soomaaliyeed ay u mideyn lahaayeen.

"Dunida aad ayay ula yaaban tahay in Soomaali oo isku af, isku dhaqan, isku diin iyo isku midab ah ay isfahmi waayaan, waana taas midda innaga ina dhaqaajisay ee aan doonayno inaan meesha ka saarno," ayuu yiri Prof. Samatar oo dhaiilay qaabka ay u wadahadlayaan Somaliland iyo DKMG ah.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri: "Guddiyada ay magacaabeen Somaliland iyo DKMG ah ma ahan kuwii loo baahnaa haddii la doonayo xal, balse waxay ahayd in lasoo xulo dad aqoon diimeed iyo mid maaddi leh oo ay ka go'an tahay in Soomaaliya nabadi ka dhalato."
Wadahadallada Somaliland iyo DKMG ah ayuu sheegay inaysan ahayn mid iyaga ka timid balse ay tahay mid dusha lagala keenay, balse laga faa'iideysan karo haddii la doonayo xalka dalkan.
Shariif Xuseen Roobow oo isaguna ah wakiilka xisbiga Hiil Qaran ee Muqdisho oo ka hadlay isaguna madasha ayaa sheegay inay si weyn ugu faraxsan yihiin imaanshaha wafdigan ballaaran ee Muqdisho yimid kana qaybgalay shirweynihii labaad ee xisbiga Hiil Qaran, isagoo u mahadceliyay intii gacan ku siisay qabsoomidda shirweynahan.
Xisbiga Hiil Qaran oo la aasaasay sannadkii 2010 ayaa wuxuu xafiisyo ku leeyahay dalalka Soomaaliya, Mareykanka, Australia, Yurub, Afrika iyo dalal kale, waana xisbi ay aasaaseen aqoonyahanno Soomaaliyeed oo si weyn looga yaqaan.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya