Shirweyne looga tashanayay ka bixitaanka ku meel gaarka iyo dhammaystirka dastuurka oo ka dhacay Nairobi (SAWIRRO)

Talaado, April 17, 2012 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Nairobi lagu qabtay shir ay
soo qabanqaabisay wasaarada dastuurka kaasoo looga tashanayay ka bixitaanka ku meel
gaarka iyo dhammaystirka dastuurka qabyada ah.
Wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee
Soomaaliya C/laahi Goodax Barre oo la hadlay kasoo qaybgalayaasha shirka ayaa
sheegay in isaga iyo wasiirka dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil ay go’aansadeen
qabashada shirkan oo uu ku tilmaamay wadatashi.
“Shirkaan waxaan u qabannay inaan idin la tashano sidii dalka looga saari lahaa
marxalada ku meel gaarka ah, meeshaan dadka isugu yimid waa caqligii
Soomaaliyeed” ayuu yiri Goodax.
Wasiirka dastuurka iyo dib u heshiisiinta C/raxmaan
Xoosh Jibriil oo isna ka hadlay sida ay dawlada uga go’antahay dhammaystirka
qorshaha roadmapka ayaa sheegay in aysan jirin wado kale oo Soomaaliya ay uga
bixi karto ku meel gaarka iyo faragalinta shisheeye, hadii aan la helin dastuur
dhammaystiran oo u dalku yeesho.
“Dastuurka dadka ansixinaya waxaa laga soo xulayaa
qaybaha kala duwan ee dalka. Maadaama aan afti la qaadi Karin xilligan wadada
noo furanna ay tahay midaan kaliya” Ayuu yiri Xoosh.
Waxaa uu wasiirku sheegay inay ogolyihiin in lala
taliyo lana dhaliilo, waxaana u ku boorriyay hogaamiyayaasha qabaa’ilka in
dadka ay soo xulanayaan ay noqdaan dad aqoon leh oo lagu aamini karo shaqada
culus ee loo dhiibayo.

“Waxaan ka codsanayaa dadka aqoonta leh ee dalka
badbaadin kara inay ka agdhawaadaan salaadiinta iyo ugaasyada si dadka lasoo
xulayo ay u noqdaan kuwo tayo leh oo dalka badbaadiya” ayuu sii raacshay
wasiirku.
Labada wasiir ayaa hoosta ka xarriiqay in
baarlamaanka cusub ee dalka ay soo xuli doonaan hogaamiye dhaqameedkii soo
jireenka ahaa.
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif
Gallayr oo kamid ahaa siyaasiyiintii lagu martiqaaday shirka ayaa sheegay inuu
taageersanyahay qorshaha Soomaaliya looga saarayo ku meel gaarka balse uu kasoo
horjeedo qaabka wax loo maamulayo.
“Dadka lasoo xulayo waxaa la yiri waxaa soo xulaysa Puntland, annagu haddaan
nahay Khaatumo ma aqbalayno in ay na matasho Puntland” ayuu yiri Gallayr.
Waxaana uu sheegay in Khaatumo ay u taagantahay oo
dhiigeeda u daadinayso sidii looga hortagi lahaa kala goynta Soomaaliya.
“Dadka reer Khaatumo wuxuu dhiigoodu u qubanayaa waa
adkaynta midnimada Soomaaliya, taasna cidna abaal uga dooni mayno” ayuu yiri
Gallayr.
Shirkii maantay oo ahaa midkii ugu ballaarnaa ee muddooyinkan ka dhaca
Nairobi oo ay kasoo qaybgaleen aqoonyahanno kala duwan ayaaa waxaa isku soo
duba riday hay’ada ka shaqaysa arrimaha horumarinta sharciga ee (IDLO).
Madaxa hay’adaasi u qaabilsan wadamada Kenya iyo
Soomaaliya Shirwac Maxamed Jaamac ayaa sheegay in looga fadhiyo waxgaradka
Soomaalida ka tashiga aayaha dalkooda gaar ahaanna arrimaha haatan taagan ee
ugu horreeyo dastuurku.
Madaxdii iyo aqoonyahannnadii kale ee shirka maanta
kasoo qaybgalay waxaa kamid ahaa, C/kariim Xassan Jaamac, Daahir
Geelle,madaxweynaha Ximin iyo Xeeb , madaxweynaha Azaaniya, madaxweynaha
Mareeg State, Faadumo Jibriil, Batuulo Axmed
Gabal,C/risaaq Khaliif Ashkir, C/laahi Axmed Azhari, Cawad Axmed Casharo iyo
dadkale oo farabadan.










Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
asamad@hiiraan.com
Nairobi , Kenya