10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 5 , 2011
Madaxweynaha Somalia oo booqday xaruntii Qaraxa lala beegsaday sheegayna inuu aad uga naxay Weerarka


Arbaco, Oktoobar 05, 2011 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo saakay booqday xaruntii ay daganaayeen wasaaradaha dowladda KMG ah ee shalay lala beegsaday weerarka ismiidaaminta ah ayaa sheegay in weerarku uu ahaa mid laga naxo, isagoo ku tilmaamay fal argagaxiso oo la mid ah weerarkii lagu qaaday hotel Shaamow sannadkii 2009, kaasoo lagu dilay arday, dhaqaatiir iyo wasiirro.

Sheekh Shariif ayaa shir jaraa'id oo uu shalay qabtay ku sheegay in weerarkan lagu bartilmaameedsaday arday, isagoo xusay inuu la mid yahay kii labaad oo lagu weeraro wasaaradaha dowladda, wuxuuna xusay in dowladdu ay qaadayso tallaabooyin lagu adkeynayo ammaanka.

"Weerarkan waa mid argagaxiso oo ay sheegatay Al-shabaab, waana mid muujinaya daciifnimadooda iyo sida ay u fogaadeen," ayuu yiri Sheekh Shariif oo sheegay inaysan ahayn goobta uu qaraxu ka dhacay meel ciidamo lagu ururinayo balse ay ahayd goob ay wasaarado daggan yihiin oo shacab loogu adeegayay.

Madaxweynuhu wuxuu tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay Qarax oo kor u dhaafaya 79-qof, isagoo dadkii ku dhaawacmay oo ka badan 100-qofna uu Alle uga rajeeyay caafimaad deg-deg ah

"Anigu dhab ahaan aad ayaan uga argagaxay ugana murugooday falkaas naxdinta leh oo cadownimadu ku dheehan tahay, isla markaana ka baxsan bani'aadamnimada, dadka lagu dhibaateyayna waxay ahaayeen shacab," ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in weerarkan uu yahay mid daba socda weerarkii ka dhacay Hotel Shaamow ee lagu dilay ardayda iyo wasiirrada dowladda isagoo xusay in Xarakada Al-shabaab ay beegsanayso qaybaha horumarka sida waxbarashada.

"Xilligan oo dalka uu ku jiro xaalad bani'aadamnimo oo aad u daran ma ahayn in loo geysto shacabka Soomaaliyeed weerar noocan oo kale ah," ayuu hadalkiisa raaciyay madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Al-shabaab u isticmaashay weerarka maaddo khatar ah, isagoo xusay in la arkay dad gubanaya markii uu qaraxu dhacay, isagoo falkaas ku tilmaamay mid aan raad ku lahayn diinta islaamka, wuxuuna xusay in dambiga laga galay shacabka Soomaaliyeed ee masaakiinta ah uusan meel cidlo ah ku dhacayn oo Alle uu ku ciqaabi doono kuwii geystay.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu hadalkiisa kusoo gabgabeeyay in dowladdu ay qaadayso tallaabooyin ay kaga hortagayso in falalka noocan oo kale ah ay mar kale soo laabtaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya