4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 26, 2011
Madaxweynaha Soomaaliya oo cafis u fidiyay lix nin oo Ajnabi ah, oo ku xirnaa Muqdisho.

Axad, June 26, 2011(HOL) Nairobi, Kenya- Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa cafis u fidiyay  6 nin oo ajnabi ah oo horay maxakadda gobolka banaadir ay ugu xukuntay xabsi u dhexeeya 10 sano ilaa 15 iyo sano laguna  ganaaxay  lacag gaaraysa $10,000 ilaa iyo $15,000.

Afhayeenka dawladda Soomaaliya, C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay cafiska loo fidiyay lixda nin ee horay loogu qabtay madaarka magaalada Muqdisho iyagoo isku dayay sida ay ciidamada ammaanku sheegeen, inay lacago madaxfurasho ah u gudbinayeen kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Eng. Yariisow ayaa sidoo kale sheegay in dawladdu ay gabi ahaanba la wareegtay lacagtii ay raggaasi doonayeen inay u gudbiyaan burcad badeeda oo gaaraysay $3.6 Million.

Guddoomiyaha maxkamada gobolka banaadir Xaashi Cilmi Nuur oo la hadlayay idaacadda VOA laanteeda afka Soomaaliga ayaa isna xaqiijiyay sii daynta raggan, isagoo sheegay in laga qaaday lacag dhan $50 oo ganaax ah middiiba labadii diyaardood ee ay wateen, taasoo noqonaysa sida uu sheegay lacagta laga qaaday $100,000 oo ganaax ah.

Guddoomiyuhu ma uusan ka hadlin lacagihii raggan lagu ganaaxay, inay bixiyeen iyo inkale , iyadoo 2 ka mid ah lagu ganaaxay $15,000 midkiiba halka 4-ta kalena lagu ganaaxay midkiiba $10,000, balse lacagta waxay ahayd oo kaliya tii lagu ganaaxay labada diyaaradood ee ay wateen sida uu sheegay.

Lixdan nin ayaa 3 kamid ah ay u dhasheen dalka Britain,2 ka mid ahna Kenya, halka midka kalena uu dhashay waddanka Maraykanka.

Dawladda Soomaaliya waxay raggan ku eedaysay , markii hore inay si sharci darro ah lacago ugu gudbinayeen kooxaha burcad badeeda, balse lama oga sababta soo dedejisay in si lama filaan ah loo sii daayo.

Cafiska uu madaxweynaha Soomaaliya u fidiyay nimankan ayaa imaanaya , iyadoo maantay loo dabaaldagay sannad guuradii 51-aad ee kasoo wareegatay markii ay xorriyadda qaateen gobollada waqooyi ee dalka Soomaaliya.

Axmed Cabdisamad,Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi,Kenya