4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 26, 2011
Taliyaha ciidamada Uganda ee ku sugan Muqdisho oo sheegay inaysan ka jirin Soomaaliya nabad la ilaaliyo

Axad, June 26, 2011 (HOL) – Taliyaha ciidamada Uganda ee ku sugan Muqdisho Col. Patrick oo u warramayay wargeyska Suday Monitor ee kasoo baxa Uganda ayaa sheegay inaysan Soomaaliya ka jirin nabad la ilaaliyo, balse ay ka socdaan dagaallo u dhexeeyay dowladda iyo xoogag hubeysan.

Col. Patrick ayaa sheegay in ciidamadooda ay ku jiraan dagaalo nabad looga dhalinayo Soomaaliya, wuxuuna sheegay in howlgalkoodii nabad ilaalinta ahaa loo badalay kuwo nabad dhalin ah.

Taliyaha wuxuu sheegay in howsha AMISOM ay tahay inay ilaaliyaan ammaanka hay'adaha iyo mas'uuliyiinta dowladda Soomaaliya, ayna wataan howshoodii ayna dowladda ka taageeraan dagaallada.

"Halkaan (Soomaaliya) waxaan u joognaa waa dhisidda taageeridda iyo hubinta ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya, markii hore waajibkeennu wuxuu ahaa inaan nabadda ilaalino, balse waxaa noo xaqiiqowday inaysan jirin nabad la ilaaliyo, sidaa daraadeedna waxaa howsheennii loo bedelay mid nabad dhalin ah," ayuu yiri Col. Patrick.

Sarkaalkan wuxuu ka gaabsaday inuu sheego tirada ciidamada looga dilay dalka Soomaaliya tan iyo markii ay howshooda billaabeen, balse wuxuu sheegay inay ku waayeen Soomaaliya askar iyo saraakiil sarsare, isagoo xusay inay ciidamadooda ku dileen dagaalladii dhacay dad ajnabi ah oo u dhashay dalalka Bakitaan iyo Yemen, kuwaasoo u dagaalamayay Al-shabaab.

Mar la weydiiyay su'aal ahayd sida ay yeelayaan haddii xoogagga Xarrakada Al-shabaab ay ka baxaan Muqdisho oo ay aadaan deegaanno ay Kismaayo ka mid tahay, markaas kaddibna ay bilaabaan inay dib u soo weeraraan saldhigyadooda.

"Haddii ay Kisamaayo aadaan waxaa baacsan doona ciidamada dowladda KMG ah, innaguna waxaan ku caawin doonaa sidii ay meelahaas uga saari lahaayeen oo ay dalka oo dhan gacanta ugu dhigi lahaayeen," ayuu yiri taliyaha ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya.

Ciidamada AMISOM ee u sugan Muqdisho oo tiradoodu gaarayso 9,000 askari ayaa waxay ka socdaan dalalka Uganda iyo Burundi, waxayna dowladda KMG ah gacan ka siiyaan dagaallada ay kula jirto Xarrakatul Shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya