4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 26, 2011
Ra'iisul wasaarihii la casilay ee DKG ah Soomaaliya oo maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho

Axad, June 26, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho isagoo kusii jeeda magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta oo uu uga sii gudbi doona dalka Ingiriiska.

Wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa kusii sagootiyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyadoo safarkiisa uu saxaafadda uga warbixiyay wasiir ku xigeenka wasaaraha shaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo isboortiga ee xukuumadda KMG ah C/llaahi Cali Afgooye.

"Ra'iisul wasaarihii aanu jeclayn wuxuu maanta u dhoofay Dubai, wuxuuna uga sii gudbi doonaa dalka Ingiriiska oo uu uga qaybgeli doono xaflad ay lagu maamuusayo 01-da Luuliyo oo ay kasoo qaybgeli doonaan 10,000 qof oo Soomaali ah," ayuu yiri C/llaahi Afgooye.

Wasiir ku xigeenku wuxuu sheegay in ra'iisul wasaarihii hore uu sannadkan oo dhan booqan doono dalalkii laga dhigay dibadbaxyada lagu diidan yahay inuu xafiiska ka tago, uuna dalka kusoo laaban doono sannadka soo socda.

Mudane Farmaajo ayaan ka hadlin saxaafadda, wuxuuna dadkii sii dhaweeyay ka salaamay albaabka diyaaraddii uu raacay isagoo ay ka muuqato inuu ka xun yahay inuu dalka ka dhoof. Waxaaan bixitaankiisu uu yimid iyadoo xalay la guddoonsiiyay billad-sharaf ka turjumaysay waxqabadkiisii.

Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa xilka iska casilay 19-kii bishan Juun, kaddib markii uu cadaadis xooggan kala kulmay UN-ka iyo Uganda, waxaana uu xilka iska casilay iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay codsanayaan inuusan xafiiska ka tegin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya