4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 26, 2011
Iskahorimaad dhexmaray askar ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah oo geystay dhimasho iyo dhaawac

Axad, June 26, 2011 (HOL) – Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay israsaaseyn maanta ku dhexmaray degmada Wadajir ee magaalado Muqdisho laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya, halka laba qof oo mid askari uu yahayna ay ku dhaawacmeen.

Askariga dhintay ayaa ka mid ahaa labadii askari ee is-rasaastu ay dhexmartay, iyadoo midkii kalena uu dhaawacmay, waxaana rasaasta labada askari ay is-weydaarsanayeen uu ku dhaawacmay qof rayid ah.

Goobjoogayaal ku sugan halka ay israsaaseyntu ka dhacday oo u dhexeysa aargada iyo xaafadda macmacaanka ayaa u sheegay HOL in labada askari uu dhexmaray muran dabadeedna ay bilaabeen inay rasaas isku furaan.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo goobta soo gaaray ayaa qaaday maydkii askariga la dilay iyo dhaawaca midka kale, waxaana arrintan ay qayb ka tahay falal noocan oo kale ah oo dhowr jeer oo hore ka dhacay degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley.

Maamulka degmada Wadajir oo ka mid ah degmooyinka ay ka taliso DKMG ah ayaan weli ka hadlin israsaaseynta khasaaraha sababtay ee dhexmartay askarta kawada tirsan dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya