4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 26, 2011
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in soo celinta Nabadda Soomaaliya uu u adeegsan doono awood ciidan

Axad, June 26, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta sheegay inay awood u adeegsan doonaan sidii ay u soo celin lahaayeen nabadda Soomaaliya, isagoo shacabka ka dalbaday inay gacan ka geystaan soo celinta ammaanka guud ee Soomaaliya.

Sheekh Shariif ayaa ku eedeeyay Xarrakada Al-shabaab oo kaashanaysa ururka Al-Qaacida inay dhibaato ku hayso dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay inay u diideen in gargaar la gaarsiiyo dadka ku nool goobaha ay ka taliyaan, ayna taasi keentay in dad badan ay ka barakacaan deegaannadii ay ku noolaayeen.

"Duruufaha jira ma haystaan oo keliya dadka gudaha ku sugan, balse dadka qoxootiga ku ah dibadda waxaa haysta dhibaato tan la mid ah, dhibaatadanna waxaa looga bixi karaa in nabaddii dalka lasoo celiyo, waayo qof walba waxaa ku filan wixii uu ku helo gurigiisa, balse haddii uusan gurigiisa ku sugnayn wax walba oo uu helo ma anfacayaan," ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in nabadgalyo soo celinta dalka ay ku bixin doonaan dhiig iyo maal, si qof walba uu ku helo nabad uu ku noolaado.

"Waxaa shacabka Soomaaliyeed isku biirsaday colaad iyo abaaro, kuwaasoo keenay in dad badan ay barakacaan, waana inaan ka tashanno sidii aan dadkaas ku taageeri lahayn," ayuu madaxweynuhu hadalkiisa raaciyay.

Ganacsatada Soomaaliyeed iyo qof walba hanti haysta ayuu ugu baaqay inay gacan ka geystaan sidii ay dadkaas u kaalmeyn lahaayeen, isagoo sheegay in qofkii qof nooleeya uu Alle u ballanqaaday badal wanaagsan.

Hadalka madaxweynaha DKMG ah ayaa xalay sheegay in xaaladda dalka ka taagan ay aad uga daran tahay middii taagnay sannadkii 1960-kii, isagoo sheegay in loo baahan yahay in loo guntado samatabixin dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya