4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 26, 2011
Qaar ka mid ah shacabka ku nool Puntland oo Madaxwayne C/raxmaan Faroole ka dalbay in uu is-casilo

Axad, June 26, 2011 (HOL) – Deegaanada Puntland bilihii ugu danbeeyay waxaa ka dhacay dilal argagax leh ,kuwaasi oo inta badan loo gaystay dad bulshada dhexdeeda masuuliyad wayn ka hayay, waxaana dhacda inaan la helin cidda dilalkaas fulisa.

Qaar kamid ah shacabka Puntland oo la hadlay HOL ayaa sheegay in hadda aan la isku halayn karin amniga Puntland oo ay ka dhaceen kiisas aad u waa wayn,iyagoo eedda ugu badan dusha uga tuuray maamulka uu hogaamiyo madaxwayne Faroole.

"Sidaa aan aaminsanahay dhaliisha uga badan waxaa iska leh dadka hogaan keena haya oo u adeega Ethopia iyo dano kale," ayuu yiri Maxamed Cabdi qaadir oo nala soo xiriiray ,isagoo sheegay in xaaladda hadda ay marayso in la is-gawraco.

Waxaa kaloo Maxamed uu sheegay in uu ka tagay shaqo uu dowladda ka hayay arimo dhinaca amniga la xiriira ,waxaana uu tilmaamay in arimaha dhacaya la xalin karo hadii la isku dayo.

"Maamulkan dhan ee Faroole uu horkacayo ma lahan sirdoon si gaar ah u tababaran ama CID, waxaa kaloo meesha ka jirta cadaalad darro," ayuu yiri mid kamid ah dad deegaanka oo isna codsaday in magaciisa aan la xusin.

Waxa uu tusaale u soo qaatay dad siyaabo kala duwan loogu dilay gudaha Puntland, kuwaasi oo intooda badan aan gacanta lagu dhigin dadkii gaystay, isagoo maamulka hadda jira ugu baaqay in xafiiska uu baneeyo si la helo xal nabadeed oo gobolka ka dhaca.

"Hadda shaqada ugu badan waxa ay u taallaa shacabka oo codsada in maamulkan uu meesh isaga tago"ayuu hadalkiisa ku daray, isagoo xildhibaanada baarlamaanka ugu baaqay in ay aamusnaanta ka baxaan.

Dhinaca kale nabadoonno maalmo ka hor loo diiday in ay ka safraan magaalada Garowe oo qaarkood la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulka madaxwayne Faroole uusan qaban shaqadii loo soo doortay, iyaga oo xusay in xaaladda Puntland ay khatar ku sugantahay iminka.

Ugu danbayntii maamulka madaxwayne Faroole ayaa la sheegay in xukuumadiisa ay fashilantay,isla markaana loo baahanyahay isbadal guud oo dhaca, iyaga ku taliyay in habka iminka waxa lagu soo doorto oo ah dhinaca qabiilka in la badalo.

Hiiraan Online News Desk