4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 26, 2011
Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo xuska 51-guurada Xornimada Soomaaliya ku casuuntay qoxootiga ku nool Dhadhaab

Axad, June 26, 2011 (HOL) – Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa wadda qaban-qaabo ballaaran oo ku aaddan xuska 51-guuradii kasoo wareegtay is-raacii gobollada Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya, isla markaana ah markii ay gobollada Koonfureed ee Soomaaliya ay xorriyadooda ka qaateen gumeystihii Talyaaniga 01-dii Luuliyo (July) 1960-kii.

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (America) ayaa sheegay in xuskan uu ka duwanaan doono kuwii ka horreeyay, wuxuuna sheegay in lagu qaban doono dhismaha gurigii hore ee safaaradda Soomaaliya oo dib u soo galay gacanta Soomaalida, iyadoo ay ka qaybgeli doonaan dhammaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya si ay u soo bandhigaan muhimadda ay maalintaas u leedahay ummadda Soomaaliyeed.

Safiirku wuxuu ku casuumay xuskaas Soomaalida qaxootiga ku ah xeryaha ku yaalla Dhadhaab oo uu xusay inay kasoo qeybgeli karaan.

''Qoxootiga ku nool saddexda xero ee Kenya sida: waxgaradka, dhallinyarada, haweenka, naafada, odayaasha iyo cid kasta oo doonaysa inay kasoo qaybgasho munaasabadda 01-da Luuliyo martiqaad ayaan u dirnay,'' ayuu yiri Cali America oo intaas ku daray in sababta ay u door-bideen ay tahay ballan uu horay uga qaaday oo ahayd in wixii Soomaali u dhexeeya ay kasoo qaygeli karaan.

Danjiraha ayaa hadalkan ka jeediyay shir jaraa'id oo uu xafiiskiisa ku qabtay isagoo tibaaxay in safaaraddu u fududeynayso dadka qaxootiga ah sidii ay Nairobi kusoo gaari lahaayeen, ayna u diyaariyeen meelihii ay degi lahaayeen iyo farsamooyinka kale ee ay u baahan yihiin, isagoo xusay in arrintan ay safaaraddu kala kaashan doonto hay'adda qaxootiga Qarammada Midoobay ee UNHCR.

''Safaaraddu waxay u diyaarisay dadka kasoo qaybgalaya xafladda diyaarado kasoo qaada xeryaha qoxootiga, xitaa haddii ay noqdaan shan illaa lix qof," ayuu raaciyay hadalkiisa. Isagoo ku tilmaamay in sababta dadka qaxootiga loo doortay ay tahay inay ka sheekeeyaan dhibaatooyinka heysta ayna la wadaagaan dad kale maalinta ku weyn ummadda Soomaaliyeed isna tusaan in Soomaalidu ay wax qabsan karto iyadoo aan cid aan Alle ahayn u baahan.

Danjire Cali America wuxuu ugu baaqay Soomaalida ku nool Kenya inay kasoo qeyb-galaan xuska isagoo sheegay in qof walba uu muujiyo dareen wadaniyadeed iyo sida ay uga go'an tahay in Soomaaliya ay dib ugu laabato nabaddii iyo ammaankii horay uga jiray. Wuxuuna sheegay in xafladda aysan ahayn mid lacag lagu galayo.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, waxay dhawaanahan wadday dadaallo ku aaddan wax u qabashada shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya, gaar ahaan dadka qoxootiga ah ee ku dhibaateysan xeryaha Dhadhaab. Xuskii sannadkii hore ay safaaraddu qabatay ayaa waxaa kasoo qaybgalay 40,000 oo Soomaali ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya