4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 26, 2011
Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya la guddoonsiiyay billad-sharaf uu ku mutaystay howshii uu qabtay


Axad, June 26, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay guddoonsiiyay billad-sharaf ra'iisul wasaarihii la casilay ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), shahaadadaas oo ka turjumaysay wax-qabadkiisii muddadii yarayd ee uu xilka hayay.

Billadda ayaa lagu guddoonsiiyay xafladdii lagu maamuusayay 51-guuradii kasoo wareegtay markii ay xoroobeen gobollada waqooyi ee Soomaaliya, waxaana la sheegay in muddadii uu xilka hayay uu ku guuleystay wax ka qabashad musuq-maamusqa iyo dib u dhiska ciidanka Soomaaliya.

"Waxaan jeclaysannay inaan billad sharaf guddoonsiinno ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, maadaama muddadii yarayd ee uu nala joogay uu shaqo wanaagsan qabtay, waxaana ugu talogalnay inuu naga tago isagoo faraxsan," ayuu yiri Shariif Axmed.

Xubnihii ka qaybgalayay xafladda ayaa aad ugu riyaaqay billadda la guddoonsiiyay Farmaajo, waxaana markii lagu dhawaaqay in la siinayo billad hoolka oo dhan is-qabsaday sacab iyo sawaxan muujiyay in lagu soo dhaweynayo billadda la siinayo.

Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa xafiiska ka tagay 19-kii bishan, kaddib markii uu cadaadis badan kaga yimid dalka Uganda oo ay ciidammo ka joogaan Soomaaliya iyo Qarammada Midoobay, isagoo sheegay inuu u tanaasulay inay sii shaqeyso DKMG ah iyo inay shacabka Soomaaliyeed ka baxaan dhibaatada.

Inkastoo Farmaajo uusan ka hadlin xafladda lagu guddoonsiiyay billadda ayaan haddana waxaan la ogeyn halka uu aadayo, balse wuxuu horay u sheegay inuu la shaqeynayo dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya