4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 26, 2011
Munaasabad lagu maamuusayay 26-ka Juun oo xalay ka dhacday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya

Axad, June 26, 2011 (HOL) – Munaasabad lagu maamuusayay sannad-guuradii 51-aad ee kasoo wareegtay markii gobollada waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) ay xorriyadooda ka qaateen gumeystihii Ingriiska 1960-kii ayaa xalay lagu qabtay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho.

Xafladda oo ay ka qaybgaleen xildhibaanno, xubno ka socday ururrada bulshada rayidka, dadweyne kale, madaxda dowladda KMG ah iyo ra'iisul wasaarihii is-casilay ayaa waxaa khudbado ka jeediyay saddexda mas'uul ee dowladda ugu sarreeya.

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa hambalyo ku aaddan 26-ka Juun u dirayo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in Soomaaliya ay maanta ka khatar badan tahay 1960-kii.

"Waxaan qabaa in Soomaaliya ay maanta ka khatar badan tahay 1960-kii, waayo dadkii xilligaas joogay waxaa waday dareen waddaniyadeed oo ay ku doonayeen xoorriyad, balse maanta dhibaato weyn ayaa dalka ka jirta," ayuu Shariif Axmed ku billaabay hadalkiisa.

Isagoo raaciyay: "Waa inaan u aqoonsanno Al-shabaab iyo Al-Qaacida inay gumeysi ku hayaan Soomaaliya." Sidoo kale wuxuu sheegay in cudurrada, jahliga iyo kala-qaybsanaanta iyagana loo aqoonsado gumeysi iyo cadow dalka ka jira.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in laga raalligelinayo walaalaha waqooyiga Somalia ku nool inay ka raalli noqdaan wixii dhacay, ayna ka shaqeeyaan sidii midowgii hore loo adkeyn lahaa.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isaguna ka hadlay xafladda ayaa hadallo kooban jeediyay isagoo sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah, wuxuuna ku baaqay in laga shaqeeyo dowladnimada iyo horumarka dalka.

Sidoo kale, wuxuu xusay in khilaafkii u dhexeeyay hay'adaha dowladda uu dhammaaday, wixii hadda ka dambeeya loo jiheysan doono ka shaqeynta ammaanka iyo xoojinta dowladnimada.

Ra'iisul wasaaraha la magacaabay ee Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay in xorriyada Soomaaliya loo daadiyay dhiib badan, balse ay nasiib-darro ahayd in 30-sano kaddib la burburiyo, muddo 20-sano ahna ay qaadato in Soomaaliya dib la isugu soo celiyo.

Dr. C/weli wuxuu ka dalbaday xubnaha baarlamaanka inay codka kalsoonida siiyaan, isagoo sheegay inuu ku shaqeyn doono habkii ay ku shaqeynaysay xukuumaddii uu ka mid ahaa, uuna soo dhisi doono xukuumad tayo wanaagsan.

Markii la gaaray 12:00 habeenimo ee saqda dhexe ayaa gudaha madaxtooyada laga taagay calanka Soomaaliya, iyadoo ay heeso kusoo bandhigeen halkaas hobollada waaberi, waxaana intii ay xafladdu socotay kusoo dhacay xarunta madaxtooyada madaafiic aan la ogeyn khasaaraha ay geysteen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya