4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 26, 2011
Xarrakada Al-shabaab oo xalay weerar ku qaadday saldhig ay ciidamada DKMG ah kaga sugnaayeen Garbahaarey

Axad, June 26, 2011 (HOL) – Ugu yaraan shan qof oo dhinacyadii dagaalamay ka mid ah ayaa ku dhintay dagaal iyo duqeymo isbarbar socday oo xalay ka dhacay duleedka degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, waxaana dhaawacmay tiro intaas ka badan.

Dagaalka iyo duqeymaha oo socday muddo hal sano ah ayaa sida caadadu ahayd waxaa guulo ka kala sheegtay Xarrakada Al-shabaab iyo DKMG Soomaaliya, iyadoo dhinac walba uu sheegay inuu dhinaca kale khasaare u geystay.

Afhayeenka howlgallada ee Xarrakatul Shabaab Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo la hadlay idaacadda Andulus ee ku hadasha Al-shabaab ayaa sheegay in weerarkaas ay ku qaadeen saldhig ku yaalla duleedka Garbahaarey oo lagu magacaabo xeradii WFP, ayna khasaare ba'an u geysteen ciidamadii ku sugnaa.

Sheekh C/casiis wuxuu sheegay inaysan ka warbixin karin khasaaraha ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa Ahlusunna ee saldhigga ku sugnaa ay u geysteen, balse ay hubaan in madaafiicdu ay ku dhacday gudaha saldhiggaas, markaas kaddibna ay ku qaadeen weerar toos ah.

Dhinaca kale, guddoomiyaha gobolka Gedo ee DKMG ah Maxamed Cabdi Kaliil oo ka jawaabayay hadalka afhayeenka Al-shabaab ayaa xaqiijiyay in madaafiic iyo weerar toos ah lagu qaaday saldhiga ay ciidamadooda iyo kuwa Ahlusunna ku lahaayeen duleedka Garbahaarey, balse ay iska difaaceen xoogaggii weerarka kusoo qaaday.

Maxamed Kaliil ma uusan sheegin khasaaraha dhankooda soo gaaray dagaalka iyo duqeynta iyo mid ay iyagu geysteen, balse wuxuu sheegay in weerarkaas uu ahaa mid gaadmo ah ayna iska difaaceen, isagoo xusay inay khasaaro jirto.

Gobolka Gedo ayaa waxaa tan iyo billowgii sannadkan ka socday dagaallo u dhexeeya ciidamada DKMG ah iyo kuwa Ahlusunna oo dhinac ah iyo xoogagga Al-shabaab, iyadoo lagu qabsaday degmooyin dhowr ah oo ay horay uga talin jirtay Xarrakada Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya