4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 16, 2011
Soomaalida ku dhaqan Magaalada Borlänge ee Dalka Sweden oo u aayay Dugsi ay ka bartaan Sharciga gaadiidka lagu kaxeeyo (SAWIRRO)


Axad, 17 July 2011(HOL): Soomaalida ku dhaqan magaalada Borlänge oo lagu qiyaaso ku dhawaad 2000 oo qofood ayaa waxay u guntadeen in ay la jaan-qaadaan dhaqdhaqaaqyada bulshadeed ee ka jira dalka Sweden magaalooyinkiisa waa weyn, waxaaney hadda dad magaalada waxbarasho dhinaca theory-ga ah oo ku saabsan sharciyada lagu kaxeeyo gaadiidka.

 

Soomaalida ayaa waxay dhaqdhaqaaqyadan dhinaca is-horumarinta ah bilaabeen sanadihii ugu dambeeyay, waxaana taas u sahlay oo u fududeeyay Urur aan dowli ahayn oo Swedish ah oo ABF lagu magacaabo, kaasi oo Soomaalida ku saaciday in ay helaan meel ay isugu yimaadaan isla markaana ay wax ku bartaan.

 

Kaddib markii ay dadka Soomaaliyeed heleen fursaddaas uga timid dhinaca Ururka ABF ayaa waxay ku guuleysteen in ay sameystaan barnaamijyo waxbarasho ah oo isugu jira barashada luuqadda Swedish-ka oo dadka loogu sharaxayo afka Soomaaliga, barashada shuruucda lagu kaxeeyo gaadiidka oo dadka badankiis ay lagama maarmaan u arkeen.

 


Xaflad lagu qabtay Xaafadda Klöverstigen ee magaalada Borlänge waxaa koorso waxbarasho oo dhinaca sharciyada gaadiid-kaxeynta loogu soo xiray dad badan  oo muddo  bilooyin ah  soo qaadanayay waxbarashadaas, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay horay xaruntan wax uga barteen dad kale oo da’aad kala duwan leh.

 

 Siciid Axmed Siyaad oo ah Macallinka dadka bara sharciga  baabuur wadidda, isla markaana ka hadlay xafladda kooraskaas lagu soo xirayay ayaa waxaa wuxuu sheegay in ay si weyn ugu faraxsan yihiin in ay maanta mar kale koorso waxbarasho u soo xirayaan dad Soomaaliyeed oo la baray sharciga kaxeynta gaadiidka, “waxaa aad iyo aad farxad noogu ah in maanta ay dadka Soomaaliyeed heystaan fursad ay ku baranayaan sharciyada baabuur wadidda, waxaana halkan horay wax ugu bartay dad badan oo hadda heysta ruqsadda lagu wado baabuurta”ayuu yiri Siciid Axmed Siyaad.

 


 
“Barnaamijkan aan dadka ku bareyno sharciyada baabuurta lagu wado oo aan af-Soomaali ugu sharaxno waxay dadka ku ogaadeen in ay baran karaan sharciyadaas, halka markii hore ay ka baqi jireen, ayna siyaabo aan sax ahayn ku raadin jireen ruqsadda baabuur wadidda”ayuu mar kale yiri Saciid Axmed Siyaad.

 

Waxaa kale oo xafladda ka hadlay Inj Abuukar Shiikh Xasan oo ka mid ah aqoonyahannada iyo waalidiinta magaalada Borlänge, wuxuuna Injineerku ku guubaabiyay dadkii ku aflaxay waxbarashadan iyo kuwa doonaya in ay hadda bartaan in ay waxbarashada sii siyaadsadaan isla markaana aysan Theory kaliya ku ekaanin.


Xuseen Aabi ayaa oo ka mid ah Odayaasha Magaalada ayaa isna xafladda ka hadlay, wuxuuna sheegay in ay dad badan oo bartay sharciyada gaadiid kaxeynta ay wax lagu faani karo sameeyeen, ayna tallaabo ku dayasho mudan qaadeen.

 

Maxamuud Axmed Sabriye Abuukaate oo ahaa nin muddo 32 sano gaadiid kaxeynayay ayaa dadkii ka qalinjebiyay xaruntan ku boorriyay in ay dadaalaan, ayna deganaan iyo xasilooni muujiyaan marka ay gaadiidka kaxeynayaan, deganaantu dhibaato ma keento ayuuna yiri

 

Maxmed M. Gure oo kamid ah aqoonyahannada Magaalada ayaa isna xafladda ka hadlay wuxuuna kula dardaarmay dadkii xafladda ka qalin-jebiyay ee la baray sharciga gaadiid-kaxeynta ay ka faa’iideystaan wixii ay barteen ayna waqtigooda uga faa’iideystaan sida saxda ah oo aysan waqtiga isaga lumin waxyaabo maalaayacni ah oo aan faa’iido u lahayn.