4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 16, 2011
Burcadbadeedda Soomaalida oo afduubay dooni xoolo nool u wadday dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta

Sabti, July 16, 2011 (HOL) – Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Puntland Xasan Faarax Jaamac ayaa sheegay in burcadbadeedda Soomaaliyeed ay ka afduubeen meel ku dhow dekedda magaalada Boosaaso dooni ay sidday xoolo nool.

Doonidan ayaa la afduubay wax-yar kaddib markii ay ka furatay dekedda magaalada Boosaaso ee maamul-goboleedka Puntland, iyadoo ku socotay dalka isu-tagga imaaraadka carabta.

"Xoolo orgi u badan ayay doonidu ka qaadday dekedda Boosaaso," ayuu wasiirku u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters. "Aad ayaan uga xunnahay dhacdadan. Ciidamadeenu waxay hadda isku diyaarinayaan inay xoog ku furtaan doonida iyagoo gacan ka helaya maraakiibta caalamiga ah ee ku sugan biyaha Soomaaliya."

Wasiirku ma uusan sheegin tirada shaqaalaha la socda doonida la afduubay, dalalka ay u dhasheen iyo xaaladooda wixii ka dambeeyay markii ay gacanta u galeen kooxaha burcadbadeedda ah.

Burcadbadeedda Soomaalida ayaan looga baran inay afduubaan maraakiibta iyo doomaha ganacsi ee ku socda ama ka taga Soomaaliya. Kooxaha burcad-badeedda ah ayaa doomaha waaweyn ee ay afduubaan u adeegsada inay meelaha fog-fog kaga soo afduubaan maraakiibta ka fogaaday biyaha Soomaaliya.

Hay'adda bacadaha caalamka, ayaa sheegtay Khamiistii inay yaraadeen afduubyada ay kooxaha burcadbadeeda ah ka geystaan meelaha ka baxsan Soomaaliya, iyadoo intaas ku daray in taasi ay ku timid cadaadis la saaray.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya