4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 16, 2011
Barakacayaal ka cararaya abaaraha oo ku qulqulaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose

Sabti, July 16, 2011 (HOL) – Qoysas cusub oo barakacayaal oo ka yimid qeybo katirsan gobollada Dalka soomaaliya oo ay ka jiraan abaaro aad u daran ayaa waxa ay mudooyinkan danbe kusoo qulqulayaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Dadkan oo u badan haween iyo caruur ayaa waxa ay kasoo barakaceen gobollada Bay, Bakool, Gedo iyo qeybo katirsan gobollada Jubooyinka waxaana dadkani ay kusoo dageen kaamamka dadka barakacayaasha ah ee ku yaal gudaha magaalada Kismaayo.

Qaar katirsan dadkan oo u waramay HOL ayaa waxa ay sheegeen in ay heysato xaalad nolol xumo oo aad u liidato, waxaana ay sheegeen in qaar badan oo kamid ah ay beegsanayaan xerooyinka qaxootiga ee ku yaal waqooyi bari Kenya, halka qaar kalena ay ku soo dageen ehelladooda oo hore uga noolaa xerooyinka ku yaal magaalada Kismaayo, iyagoona sheegay in mudadii ay safarka kusoo jireen ay lasoo kulmeen dhibaatooyin dhanka caafimaadka ah, waxaana ay ka codsadeen ganacsatada reer Kismaayo, Maamulka degmada, hay'adaha safamalka iyo cid walba oo wax u awoodi karta in lala soo gaaro kaalmo biniaadanimo oo deg deg ah.

Gudaha magaalada Kismaayo oo ay ku yeelaan in ka badan 50 Kaam oo ay ku noolyihiin dad barakacayaal ah ayaa marka aad booqato waxaad ku arkeysaa xaalad biniaadanimo oo aad u liidato, oo ay kamid yihin nafaqa darro ka muuqato caruruta, nadaafad darro iyo weliba adeegga dhanka waxbarashada oo aysan gabi ahaanba heysan dadka ku nool xerooyinkaasi.

Iyadoo ay markii horeba xaaladda dadka barakacayaasha ah ee ku nool Kismaayo ay ahayd mid aad u liidato islamarkaasina ay isa soo tarayeen cabashooyinkoodi dhanka nolosha ah, ayaa hadana waxa kusoo duldagay dad cusub oo barakacayaal ah oo aan heysan hoy iyo dhaqaale midna, waxaana dadkani ay u baahanyihiin in lala soo gaaro kaalmo deg deg ah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya