4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 16, 2011
Jamciyadda gargaarka ee Sayib oo barakacayaasha Muqdisho soo gaaray u qaybisay bacooyin ay roobka laga galo (SAWIRRO)



Sabti, July 16, 2011 (HOL) – Jamciyadda gargaarka ee Sayib oo ka mid ah hay'daha maxalliga ah ee ka howgala gudaha Soomaaliya ayaa baco u qaybisay barakcayaal abaaraha uga soo hayaamay deegaannadoodii oo soo gaaray Muqdisho.

Mas'uulka mashaariicda jamaciyaddan Axmed Sheekh Xuseen ayaa warbaahinta u sheegay in gargaarkan uu yahay mid ay soo ururiyeen shacabka Soomaaliyeed ee dhaqaalaha haysta, si loogu badbaadiyo walaalahooda dhibaateysan.

"Bacaha waxaan u qaybinnay 30-qoys oo ka mid ah kuwii dhawaan barakaca ku yimid Muqdisho," ayuu yiri Axmed Sheekh oo intaas ku daray inay sii wadi doonaan gargaarka ay u fidinayaan dadka abaaraha kasoo barakacay.

Qoysaska bacaha loo qaybiyay ayaa waxay ku biireen qoysas horay u daganaa kaam lagu magacaabo Markaabo oo ku yaalla xaafadda taleex ee degmada Hodan, waxaana gargaarkan loo qaybiyay xilli ay Muqdisho ka da'ayeen roobab qabow wata.

"Aad ayaan uga mahadcelinaynaa gargaarka aan ka helnay jacmiyadda gargaarka ee Sayib, waxaana nala soo gaarsiiyay xilli aan baahi weyn u qabnay," ayay tiri haweeney ka mid ahayd qoysaskii gargaarka loo qaybiyay.

Roobabkii maalmihii lasoo dhaafay ka da'ayay Muqdisho ayaa sababay inay dhintaan caruur iyo dad waayeel ah kaddib markii ay roobabka oo dabeylo wata ku da'een iyagoo aan haysan meel ay ka galaan.

Deeqdan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo ka timid shacabka Soomaaliyeed loona qaybiyay dadka abaaraha kasoo barakacay, marka laga reebo deeqo gacan-taag ah oo ay shacabku ku taageereen walaalahooda markii ay Muqdisho soo gaareen.

Ma ahan markii ugu horreysay oo jamciyada gargaarka Sayib ay deeqo kala duwan oo gargaar ay gaarsiiso dadka ku dhibaateysan magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya