4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 16, 2011
Waaliga Gobolka Banaadir Xarrakada Al-shabaab oo ku baaqay in gargaar lala soo gaaro barakacayaasha

Sabti, July 16, 2011 (HOL) – Maamulka Xarrakada Al-shabaab ee gobolka Banaadir ayaa ku baaqay in gargaar deg-deg ah lasoo gaaraan barakacayaasha ku sugan degmooyinka ay kaga sugan yihiin gobolka Banaadir.

Waaliga gobolka Banaadir ee Xarrakatul Shabaab Sheekh Maxamed Xasan Cumar (Abuu-C/raxmaan) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in barakacayaasha ku sugan gobolka Banaadir oo dhan ay dhibaatooyin kala duwan haystaan.

"Ganacsatada iyo cid walba oo wax haysata waxaan ugu baaqayaa inay gargaar deg-deg ah lasoo gaaraan barakacayaasha ku sugan degmooyinka gobolka Banaadir gaar ahaan kuwa ay Xarrakadu ka taliso," ayuu yiri Sheekh Abuu-C/raxmaan.

Mas'uulkan, ayaa intaas ku daray in dhibaatooyinka haysta barakacayaasha ay ka mid yihiin cunno la'aan iyo hoy la'aan, isagoo sheegay in sidoo kale ay ku da'een dadkan roobab dabeylo wata oo qaarkood ay ku dhinteen.

"Roobabkii ugu dambeeyay ee ka da'ayay Muqdisho waxaa ku dhintay barakacyaal badan, waayo ma haystaan meel ay ka galaan, waxaana ku dhacay qabowgii ka dhashay dabeylihii uu roobku watay," ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir ee Xarrakatul Shabaab.

Waaligu hadalkiisa kuma darin in baaqan ay qayb ka yihiin hay'adaha gargaarka ee calaamiga ah, waxaase hadalkiisa uu imaanayaa xili Xarrakatul Shabaab ay dib uga laabatay go'aankeedii ay howlaha kaga joojisay hay'adaha gargaarka ee calaamka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya