4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 16, 2011
Caruur ku dhintay bam ay ku ciyaarayeen oo kula qarxay duleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool

Sabti, July 16, 2011 (HOL) – Ugu yaraan laba cunug ayaa ku dhintay mid kalena wuu ku dhaawacmay bam gacmeed ay ku ciyaaraiyeen, taasoo kula qaraxday deegaan laba kiiloo-mitir ka baxsan degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Caruurta dhintay iyo midka dhaawacmay ayaa muddo saacado ah ku ciyaarayeen bamka, isagoo si lama filaan ah ula qarxay markii dambe. Waxaana caruurta ay dhammaantood ahaayeen kuwo ka yar da'da 15-sano ah.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in markii uu qarxu dhacay goobta loogu tagay maydadka labada cunug iyo midka dhaawaca ah, iyagoo sheegay in xaaladda midka dhaawaca ah ay aad u daran tahay.

Lama oga halka ay caruurtan markii hore ka keeneen bamka, waxaase deegaanka uu bamku kula qarxay caruurta iyo degmada Xudur ee xarunta gobolka Gedo ka talisa Xarrakada Al-shabaab.

Mas'uuliinta maamulka gobollada Bay iyo Bakool ee Xarrakada Al-shabaab ayaan ka hadlin bamkaas caruurta ku qarxay. Mana ahan markii ugu horreysay oo caruuri ay ku qarxdo bam ay ku ciyaarayeen.

Horraantii bishan ayaa waxaa degmada Boondheere ee gobolka Banaadir ka dhacay qarax ay ku dhinteen laba qof oo barakacyaal ah, kaasoo ka dhashay bam ay koox caruur ahi ku ciyaarayeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya