4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 16, 2011
Danjire Mahiga oo madaxda DKMG ah ku amaanay horumarka ay ka sameeyeen hirgelinta Heshiiskii Kampala

Sabti, July 16, 2011 (HOL) – Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine P. Mahiga, ayaa ugu hambalyeeyay madaxda siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan sida ay u muujiyeen inay ka go’antahay meel-marinta nabadda iyagoo hirgelinaya heshiiskii Kampala iyo sida dhakhsaha leh ee ay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliyeed u ansaxiyeen heshiiskaas.

"Waxaan aad ugu faraxsanahay in madaxda hay’adaha KMG ah ee Soomaaliya ay horumar ka sameynayaan hirgelinta heshiiska," ayuu yiri danijre Mahiga, oo intaa ku daray: "Waxaan ku han-weynnahay in dhawaan lasoo magacaabo golaha wasiirro oo loo dhan yahay lana ansixiyo, kuwaasoo ah kuwo tayo le - ayna dadweynuhu wada ogolaadaan."

Danjire Mahiga, wuxuu hoosta ka xariiqay muhimadda uu leeyahay shirka dhawaan lagu qabanayo Soomaaliya ee wadatashiga ah, kaasoo uu sheegay in lagu soo gabgabeynayo xilliga KMG ah.

"Shirka wadatashiga waa in lagu qabto Soomaaliya inta uusan dhammaaanin xilliga KMG ah oo ah 20-ka Agoosto sannadkan," ayuu yiri Mahiga, isagoo amaan u jeediyay guddiga qabanqaabada shirka, kuwaasoo ka kooban wakiillo ka kala socda dowladda KMG ee Soomaaliya, baarlamaan, Puntland iyo Galmudug.

"Waxaan u baahan-nahay inaan ka faa’iideysano fursadda wanaagsan ee hadda jirta, ayuu yiri danjire Mahiga. "Shirka wadatashiga ah wuxuu horumarinayaa habkii lagu dhammeyn lahaa xilliga kala-guurka, waxaa kaloo uu adkeynayaa rabitaanka siyaasadeed ee hadda jira kuna saleysan heshiiskii Kampala."

Shirka oo waqtiga iyo meesha lagu qabanayo aan weli la go’aansan, ayuu sheegay inuu door muhiim ah ka ciyaari doono xiriirka dadka (ay arrintu khuseyso). sido kale dajire Mahiga wuxuu sheegay in shirkan la isugu keenayo dhammaan maamullada kala gedisan ee dalka ka jira iyo bulshada rayidka.

Dajire Mahiga, wuxuu sheegay in shirkan uu si guud gacan uga geysan doonaa habka lagu ansaxinayo qorshe hawleedka dowladda, kaasoo ahaan doono mid guud oo loo wada dhan yahay. Qorshe hawleedka waxaa laga filayaa inuu qeexo waxqabadka xukuumadda sannadka soo socda, wuxuuna siyaasad ahaan u hagi doonaa xukuumadda cusub, isagoo hormuud u noqon doona hannaan ku saleysan wadajir iyo xasillooni.

"Qorshuhu wuxuu xoogga saari doonaa arrimaha ugu muhimsan iyo shuruudaha la doonayo in laga soo baxo (meel-marinta amaanka, dastuurka, dibuhabaynta hay’adaha, dib-u-heshiisiin siyaasadeed iyo diyaarinta doorashooyinka), kala saaridda mas’uuliyaadka la xiriira hirgelinta heshiiska. Qorshuhu wuxuu xambaarsan yahay waqtigii lagu hirgelin lahaa, dhaqaalaha loo baahan yahay in lagu hirgeliyo, abaabul iyo u hogaansanaan (gaar ahaan sameynta hanaan isuduwid iyo kormeer iyo hay’ad siyaasadeedda madaxda dowladaha gobolka)," ayuu yiri Mahiga.

Warsaxaafadeedka uu soo saaray dajire Mahiga, ayuu sidoo kale ku yiri: "Qorshe hawleedku waa inuu ahaadaa mid leh ujeeddooyin xaqiiqada ku salaysan lana gaari karo. "Dib-u-eegidda qorshahan wuxuu madaxda Soomaaliyeed siinayaa fursad ay ku helaan taageerada iyo kasoo qaybgalka dadweynaha Soomaaliyeed. Wuxuu kaloo muujinayaa sida ay madaxda Soomaaliyeed uga go’antahay inay horumar ku sameeyaan 12-ka bilood ee soo socda."

Danjire Mahiga wuxuu sheegay in ujeeddada kama dambeysta ah ay tahay in la arko Soomaaliya oo hesha xasillooni ay u wada-dhan-yihiin shacabka oo ay dhexdoodana heshiis iyo nabad ka dhacdo deriskooda nabad la ah, lehna dowlad metesha oo u adeegi karta muwaadiniinteeda, isagoo sheegay in qorsh howleedkan uu u rako tallaabo aad muhim u ah oo loo qaaday sidii lagu gaari lahaa arrimahaas.

Ergeyga gaarka ah wuxuu yiri: "Waxaa nasiib-darro ah in horumarka siyaasadeed iyo amaan ee hadda socda ay ku soo beegmeen waqti ay ummadda Soomaaliyeed haysato dhibaato xoog leh oo ka dhalatay abaaraha dalka ka jira, taasoo wayeello u geysatay dad ku dhow saddex milyan oo qof."

Ugu dambeyn ergaygu wuxuu sheegay in dhibaatada xagga bani’aadanka ee hadda Soomaaliya ka jirta ay u baahan tahay wax ka qabasho degdeg ah. Isagoo xusay in xoghaya guud ee Qarammada Midoobay uu laftiisu horseed u yahay baaqa loo jeedinayo caalamka ee ku aaddan in la helo kaalmo lagu badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya