8/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 22, 2011
Ku-simaha Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo wefdi Wasiiro ah oo maanta booqday qeybo ka mid ah goobaha ay ciidamada dowladda ku sugan yihiin (SAWIRRO)


Sabti, January 22, 2011(HOL): Ku-simaha Ra’iisal Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhigga  Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo ay wehliyaan Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta  Cabdirakiin Xasan Jaamac, wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Daa’uud C/kariin Sh. Cumar iyo sidoo kale Abaanduulaha Ciidanka X.D.S. C/kariin Dhegabadan ayaa maanta kormeer ku tegay qeybo ka tirsan furimaha hore ee dagaalka ee Ciidanka Dowladda.

Socdaalkan oo ay sidoo kale qeyb ka ahaayeen weriyeyaal isugu jiray Ajnabi iyo Soomaali ayaa waxaa uu ugu horeyntii booqday Ku-simaha Ra’iisal Wasaaruhu aaga hore ee xaafada Ceel Hindi ee degmada H/wadaag isagoo halkaasina kula kulmay saraakiisha iyo ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi iyo sidoo kale ciidamada AMISOM ee nabad illaalinta u jooga dalka.


Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku ammaanay kartida iyo hufnaanta ay muujiyeen ciidamada dowladdu oo ay har iyo habeenka ku hortaagan yihiin caddowga, isagoo u balan qaaday in ciidanka ay heli doonaan wixii xuquuq ah ee ka maqan isla markaana loo dhameystiri doono wixii Daryeel Askarnimo ah.

Sidoo kale, Ra’iisal wasaaraha ayaa sidoo kale booqday Aaga Siigaale ee degmada Hodon halkaasoo uu mid mid ugu gacan qaaday ciidankii Dowladda ee dhufeysyada ku jiray isagoo ku boorinayay inay sii wadaan dedaalkooda ku aadan difaaca iyo soo celinta nabadda.

“Aadbaan ugu faraxasnahay inaad har iyo habeenba hor joogtaan caddowga dowladduna waxay wadaa dedaal balaaran oo ku aadan sidii ay dib ugu soo celin laheyd dalka nabadii iyo kala dambeyntii, waana adinka dadka udub dhexaadka u ah ku talo galka dowladda” ayuu ku yiri ciidamada iyo saraakiisha ku sugan aaga Xaafada Buurhindi ee degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.


Booqashada kusimaha Ra’iisal Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa qeyb ka ah dedaalo ay wado xukuumada Ra’iisal Wasaare Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo taasoo ay ku dooneyso inay ahmiyadda koowaad siiso dhismaha iyo dhiirigelintan ciidamada dowladda si looga guul gaaro kooxaha mucaaridka kuwaasoo aan dooneyn nabad iyo dowladnimo ka dhalata dalka.








Garaad Salaad Xirsi
[email protected]