9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 16, 2011
Madaxweyne Shariif Sh. Axmed oo Booqday dalka Tanzania

Dar Es Salaam, Tansaaniya , Abril,16,2011 - Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Mudane Shariif Sheekh Axmed  ayaa safar qorsheeysan ku gaaray Dalka Tansaaniya. 

Madaxweynaha ayaa waxaa si heersare ah ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaraddaha ee Julius Nyerere International Aiport Madaxweynaha dowladda Tansaaniya mudane  Jakaya Mrisho Kikwete iyadoo halkaas loogu sameeyay munaasabad ay ka soo qeyb galeen, Wasiiro, Xildhibaano, iyo dad weyne aad u faro badan Madaxweynaha ayaa waxaa loo tumay astaanta qaranka Soomaaliyeed waxaana loo riday 21 madfac.  
Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa waxaa  ku wehliyay Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Cabdikareem Xassan Jamac iyo wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha iyo Amniga Mudane Axmed Cali Yaqle .

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa wuxuu la kulmay Talliyaha ciidamada dalka Tansaania Mudane Gen. Davis Mwamunyange. Muhiimada kulankaan ayaa waxeey aheyd sidii amniga dalka Soomaaliya dib loogu soo celin lahaay , iyo sida kooxda argagixisada ee Alshabaab/Alqaceeda  iyo kuwa ay marin habaabiyeen dalka looga saari lahaay.

Sidoo kale caawa ayaa waxaa kulmay Labada Madaxweyne waxayna ka arinsadeen habka Soomaaliya loo caawin lahaa, iyo in xasilooni waarto  ay ka dhalato. Kadibna waxeey qudbad kooban ka jeediyeen goobtii ay cashada ka dhaceeysay oo aheyd madaxtooyada dalka Tanzania. Waxeeyna isku raaceen in la sii xooji xiriirka labada dal. Lagana kaalmeeyo dowlada Soomaaliya xaga  tababarka  shaqaalaha iyo weliba ciidamada.

Madaxweynaha Tansaaniya ayaa halkaas ka sheegay in uu diyaar u yahay marwalbo in wuxuu awoodo uu uqabto ummadda Soomaaliyeed iyo in Shabaab iyo burcad baddeeda ay khatar  ku yihiin calaamka.
Malik Abdalla

Agaasimaha Warfaafinta
Xafiiska Madaxweynaha
Muqdishu, Somalia
[email protected]