
Arbaco, September 21, 2011(HOL) Nairobi, Kenya- Dhawaan ayey hooyo Deeqo Cawil Cali oo dhashay shan caruur ah, uu kii ugu waynaa u geeriyooday cudurka baraaliska, halka ay hooyada caruurtan dhashay ay soo miciin biday inay daawayn uga hesho wadanka Kenya si ay indhaheedu u arkaan caruurteeda oo caafimada.
Balse hooyadan soomaaliyeed markii ay lakulantay dhaqaatiirta wadanka Kenya waxay u sheegeen inuusan cudurka ku dhacay aanu wax daawo ah lahayn.
Qoyskan soomaaliyeed ee dhibaataysan ma helin wax dhaqaale ah oo ay ku daryeelaan afartan caruurta ah ee aan sariirta ka kici Karin.
Hiiraan Online waxaa ay murugada la qaybsanaysaa qoyskan Soomaaliyeed ee ku nool xaaladda adag, iyadoo aan fiirinayno masuuliyadda naga saaran gudbinta xaaladda adag ee ay ku nool yihiin qaar kamid ah walaaha Soomaaliyeed, waxaa waajib nagu wada ah inaan gargaarno qoyskan.
Ciddii doonaysa inay caawiso reerkan waxay kala xiriiri karaan taleefanka hoos ku qoran.
TELL: +254721175677
Abaaha caruurtan waxaa la dhahaa Maxamed C/laahi Xassan.

Axmed Cabdisamad,Hiiraan Online
asamad@hiiraan.com
Nairobi , Kenya