Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay dagaallada Muqdisho iyo Ciidammada Kenya ee Somalia soo galay

Cabirka Farta

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay dagaallada Muqdisho iyo Ciidammada Kenya ee Somalia soo galay
Sabti, Oktoobar 22, 2011 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa markii ugu horreysay ka hadlay soo gelintaanka ciidamada Kenya ee gudaha dalka Soomaaliya iyo dagaallada ka socda magaalada Muqdisho.

Dr C/weli Gaas oo wareysi siinayay Radio Muqdisho oo ku hadla afka dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in dagaallada ka ka socda Muqdisho ay yihiin kuwo lagu doonayo in lagu sugo ammaanka guud ee Muqdisho.

"Qorshaha dagsan waa inaan sugno ammaanka gobolka Banaadir oo dhan, si dadku ay ugu soo laabtaan goobo ammaan ah, markaas kaddib ayaa tallaabooyin kale ee qorsheysan la qaadayaa," ayuu ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale, C/weli Gaas wuxuu sheegay in ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ay kula dagaalamayaan Xarakada Al-shabaab deegaankii ugu dambeeyay ee Muqdisho oo awoodda badan ku lahayd, isagoo xaqiijiyay inuu dagaal ka socdo Muqdisho.

Ra'iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in dowladdu ay soo dhaweynayso cid walba oo ka tisran Al-shabaab oo dhinaca dowladda kusoo biira, wuxuuna sheegay inay ka go'an tahay inay dalka oo dhan ka saaraan Xarakada Al-shabaab oo uu ku sifeeyay koox nabadda diiddan.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in xukuumadaha Kenya iyo Soomaaliya uu dhexmaray heshiis ku saabsan sidii ay isaga kaashan laahayeen dagaal ay la galaan Xarakada Al-shabaab, balse wuxuu aad uga meermeeray inay ciidammo Kenyan ah ku jiraan gudaha dhulka Soomaaliya.

"Waxaan heshiis dhinaca iskaashiga sugidda ammaanka ah aan la galnay Kenya, waxaana gudaha Soomaaliya howsha ka qabanaya ciidamada DKMG ah, Kenyana gacan ayay naga siinaysaa, balse ma ogi ciidammo Kenyan ah oo gudaha dalka ku sugan," ayuu yiri Dr C/weli Gaas.

Ugu dambeyn, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay ammaanka Muqdisho sida lagu sugayo ayaa sheegay inay ka dalbanayaan shacabka inay gacan ku siiyaan ciidamada DKMG ah sidii ay u xaqiijin lahaayeen ammaanka, isagoo sheegay inay dib u dhisayaan maamulladii degmooyinka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya