12/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 7 , 2011
Qoraaga caanka Nuradiin Faarax oo ka digay jiritaanka dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed


Bidix  - Xamdi, Prof Nuux, Fawzia, Ikram, Idil iyo Nuuradiin Faarax  


Ottawa, Canada


Qoraaga caanka ee Soomaaliyeed Nuuradiin Faarax
Isniin, November 07, 2011 (HOL) Qoraaga Soomaaliyeed Nuuradiin Faarax ayaa Sabtidii, bishan November 5teedi  kulan uu ku daah furayey buugiisa cusub ee  "CROSSBONES" ku qabtay Jaamacadda Carleton ee magaalada Ottawa.

Kulankan oo ay soo wada qabanqaabiyeen Institute of African Studies ee Jaamacadda Carleton iyo hay'adda Ottawa Community immigrant Services Organization (OCISO) ayuu Nuuradiin ugu horeyntii warbixin kooban ka bixiyey buugiisa cusub ee "CROSSBONES". Buugan ayaa ka hadlaya burcadbadeeda Soomaaliyeed iyo sida dad badani uga faa'ideystiin jahwareerka ay ku jirto Soomaaliya. Waxaa sidoo kale uu buuga ka hadlayaa sida soo galintaankii dalka Itoobiya ee Soomaaliya ay sababtay in uu kordho dadka xagjirka ah.

Qoraaga oo socdaal ku soo maray qaybo ka tirsan dalka Soomaaliya ayaa sawir aad u liita ka bixiyey sida uu u nabaadguurayo dhaqankii Soomaaliyeed. “Waxaan la yaabay sida uu libiskii dumarka Soomaaliyeed isku beddalay. Waxaan waayey dumar xiran guntiino iyo garbasaar” ayuu yiri Nuuraddii . Wuxuuna baaba’ dhaqanka Soomaaliyeed ku eedeeyey dowladaha carabeed oo ka faa'ideysanaya macluusha iyo baahida ka jirta dalka Soomaaliya. Nuuradiin oo arrintaas tibaaxaya ayaa sheegay in manaahijta  laga dhigo dugsiyada hoos ee Soomaaliya lagu barto dhaqanka iyo suugaanta Carbeed gaar ahaa wadamada deeqada siiya dugsiyadaas sida dowladaha Saudi Arabia, Kuwait, Qadar iyo dalka imaaraadka.

Nuuraddiin ayaa dowladdii Maxamed Siyaad Barre ku ammaanay dib u soo nooleynta dhaqanka Soomaaliyeed isaga oo sheegay in luqadda afka-Soomaaliya ay gaarta heer sare intii uu maamulka haayey. “Qof kasta oo Soomaali ah waxaa u xil ka saran yahay horumarinta dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed waana astaanta isku keynt medeyniso” ayuu yiri Nuuraddiin Faarax.

Mar ay Hiiraan Online wax ka weydiisay soo galintaanka ciidanka Kenya ee dalka Soomaliya ayuu Nuuradiin sheegay in uu si weyn uga  soo horjeedo galintaanka ciidanka Kenya dalka Soomaaliya. “Kenya awood uma leh in ay qabsato magaalooyinka ay sheegtay in qabaneyso dhaqaale ay ku joogtana ma hayso, marka waxaan u arkaa dagaal aanan awoodiisa la haynin” ayuu yiri

Ugu dambeyntii Nuuraddii Faarax wuxuu qiray in isaga iyo dadka la da’da ah ay qayb ka yihiin burburka iyo dhibaatada Soomaaliyeed  haddane loo baahanyahay dhallinyarada firfircoon la siiyo fursad ay wadanka dib ugu soo celiyaan. Wuxuuna kula dardaarmay dhallinya halkaas joogtay in ay carruurtooda baraan taariikhda iyo suugaanta Soomaaliyeed