Ciyaaraha CECAFA: Xulka Soomaaliya oo 4-1 looga adkaaday (DAAWO SAWIRRO)

Jimco, November 25, 2011(HOL): Xulka Burundi ayaa galabta 4-1 uga adkaaday xulkeena Soomaaliya, kaddib markii ay isku arkeen ciyaartii ugu horeysay ee furitaanka ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Africa ee CECAFA oo ka furmay magaaladda Dar-es-Salaam ee wadanka Tanzania.
Daqiiqadii 24-aad ee qeybtii hore ee ciyaarta ayaa ciytaaryahanka xulka Burundi ee Ndayisabar Floribeit wuxuu laad xor ah (Free Kicik) ka dhaliyaya goolhayaha xulka Soomaaliya Khaalid Cali Nuur, iyadoo daqiiqadii 44-aad ee dhammaadka qeybtii hore ee ciyaarta uu goolkii 2-aad xulka Burundi u dhaliyay Papy Faty.
Qeybtii labad markii loo soo laabtay ayaa ciyaartooyda xulka Soomaaliya waxay sameeyeen dhowr fursadood oo ay goolal uga dhalin kareen xulka Burundi, hase ahaatee waxay rajadaasi dhimatay markii gool kale oo laad xor ah uu xulkiisa u saxiixay weeraryahankooda number 10-aad ee Amissi Ledric, iyadoo isla ciyaaryahanka uu daqiiqadii 87-aad goolkii 4-aad ka dhiliyay xulka Soomaaliya.

Laakii ciyaartooyda Soomaaliya oo ka niyad jabay goolasha laga dhaliyay oo dhammaantood ahaa kuwa liciif ah ayaa muujiyay dadaal dheer, waxaana galabta aad u ciyaaray goolhayaha xulka Khaalid Cali oo bad-baadiyay ilaa 6 fursadood oo goolal loo fishay, in kastoo uu bad-baadin waayay goolal aan u qalmin in laga dhaliyo, waxaana ciyaarta oo ay hal daqiiqo ka dhimantahay gool rigoore ah xulka Soomaaliya u dhaliyay Khaalid Cali Xasan oo ka mid ah ciyaartooyda qurbojoogta ah.
Tababaraha xulka Soomaaliya Afrred Imone oo u dhashay dalka Kenya ayaan weydiiyay sababaha guuldarrada xulka Soomaaliya, wuxuuna yiri “Waan ka xumahay guuraddii aan kala kullanay xulka Burundi, sababta keenta in Soomaaliya laga badiyo waxay tahay - in ciyaartooyda soomaaliya ay dhammaantood yihiin kuwa da’yar, waxaana ka maqan khibradda kubada” ayuu yiri Imone oo intaas ku daray.

“Waxaan isku dayi doonaa in guuldarro nuucaan oo kale ah aysan ku dhicin xulka, inagoo si wada jir ah uga shaqeyn doonaa sidii loo hormarin lahaa xulka qaranka Soomaaliya”
Ciyaaryooyda wadanka Burundi ee galabta ka badiyay Soomaaliya ayaa tababarkooda ku soo qaatay wadanka Belgium, halka ciyaartooyda Soomaaliya ay ka yimaadeen dalka dagaallada iyo gaajadu ay bur-bur-buriyeen.
Ciyaartii kale ee galabta dhex martay Xulkalka Uganda iyo Zanzinar ayaa ku soo dhammaatay 2-1 oo guushu ku raacday xulka Uganda oo ah mid ah xulalka ugu adag Bariga Afirca,
Berri galab waxay ciyaar adag dhex mari doontaa xulka Tanzania oo marti galinay tartanka CECAFA iyo wadanka Rwanda oo aan la dhayalsan karin.







Faarax Blue, Hiiraan Online
fblue@hiiraan.com
Daressalaam, Tanzania