Isniin, May 09, 2011 (HOL) – Guddiga doorashada baarlamaanka Soomaaliya oo ka koobnaa 35-xubnood oo safar shaqo ugu socday dalka dibadiisa ayaa loo diiday maanta inay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kalena 15 mudane oo kale oo howlo caafimaad u socday dibadda dalka ayaa iyagana loo diiday inay dhoofaan, sida uu HOL u sheegay xildhibaan Khaalid.
Mudanayaasha guddiga doorashooyinka ayaa la sheegay inay u socdeen siminaar ay mid ka mid ah dalalka dariska ah kusoo qaadan lahaayeen, iyadoo tallaabada loogu diiday safarka lagu sheegay inuu ahaa amar kasoo baxay madaxweyaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah aanu jiri karin xildhibaan dalka ka bixi kara.
"Xildhibaannada markii ay isku diyaariyeen inay raacaan diyaaraddii qaadi lahayd ayaa waxaa u diiday Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud oo sheegay inay soo gaartay warqad kasoo baxday wasaaradda arrimaha gudaha," ayuu yiri mudane Khaalid isagoo ku sugan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
Sidoo kale, mudanahan oo la hadlayay HOL ayaa sheegay in diyaaraddii qaadi lahayd ay weli ku sugan tahay garoonka iyaguna ay garoonka ku sugan yihiin, lana sugayo amar kale oo kasoo baxa dowadda Soomaaliya.
"Mudane Maxamed Mursal oo ka mid ahaa xubnihii howlaha caafimaad u socday ayaa loo baxay bastoolad waxaana lagu garaacay qaybteeda dambe," ayuu xildhibaan Khaalid hadalkiisa raaciyay, isagoo sheegay in amarkan uu yahay mid deg-deg kusoo baxay.
Guddiga doorashooyinka ayaa dhawaan sheegay inay diyaarinayaan doorashooyin lagu soo dooranayo Madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoonka sare ee baarlamaanka, inkastoo xukuumaddu ay dib u dhigtay doorashooyin dalka ka dhaca illaa sanadka soo socda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya