1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 17, 2011
Ololaha diyaar-garowga Xuska 18 May iyo jewiga magaalooyinka Somaliland (SAWIRRO)


Talaado, 17 May 2011 (HOL)- Ololaha iyo diyaar-garowga xuska 20-naad ee ka soo wareegtay maalintii ay Somaliland sheegtay in ay gaar uga goéen Soomaaliya inteeda kale oo ku began berri oo ay bishu tahay 18 May, ayaa ka socda guud ahaan magaalooyinka waawayn ee Somaliland, iyada oo meel walba la sudhay Calanka Somaliland.

 

Jewiga magaalooyinka:

 

Magaalada Hargeisa, ayay waddooyinku cidhiidhi yihiin, isla markaana meel walba waxa taagan Ciidan. Labadii habeen ee la soo dhaafay, waxa Jid walba la soo dhoobay Ciidanka Milatariga Somaliland, kuwaas oo agagaarka madaxtooyada ku ilaaliya Baabuur Tikniko ah oo kuwa dagaalka ah, waxaanay gaadiidka u baadhayaan mid-mid, taasi waxay keentay inay cidhiidhi noqdaan jidadku, isla markaana ay Baabuurtu safaf dhaadheer u galaan baadhista. Ciidamada la soo dhigay Jidadka, ayaa isu-jira masaafo aad u kooban oo mar kasta oo gaadhigu shan daqiiqo socdo, ayay cutubyo kale oo Ciidanka ka tirsani ay joojinayaan.

 

Inkastoo guud ahaan aad loo adkeeyay amniga Somaliland, haddana waxa si xooggan loo sii adkeeyay ammaanka agagaarka dhismayaasha Dawladda iyo Hayádaha Caalamiga ah, halkaas oo baadhistoodu ka adag tahay kuwa kale.

 

Meheradaha, Jidadka, Makhaayadaha iyo goobaha kale ee cawayska ee magaalada Hargeisa, ayaa ka mid ah meelaha ay aadka uga muuqdaan Calanka iyo astaamaha kale ee Somaliland, waxaana labada habeen ee soo socda la filayaa in goobo badan oo ka mid ah magaalada Hargeisa oo ay Madaxtooyada Somaliland ka mid tahay ka qabsoomaan xaflado loogu dabbaal-degayo 18 May. Waxaana gaadiidka badankooda ku xardhan Calanka Somaliland, Sawirro ka kooban Madaxweynayaashii kala dambeeyay ee Somaliland ee Cabdiraxmaan-Tuur, Cigaal, Rayaale iyo Siilaanyo.

Magaalooyinka Burco, Berbera, Ceerigaabo, Laascaanood iyo sidoo kale Borama, ayaa iyana guud ahaanba ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyada diyaar-garowga Xuska 18 May. Madaxweyne Siilaanyo ayaa hore u magacaabay guddi ka kooban Wasiirro oo uu u xil-saaray qaban-qaabinta xuskan, kuwaas oo dhawaanahanba ku mashquulsanaa arrinta loo igmaday.

 

Dareenka Shacabka:

 

Magaalooyinka waawayn ee Somaliland, ayay dadweynuhu guud ahaanba ku jeeni-qaaran yihiin, isla markaana madaxa iyo gacmaha ku sitaan Calanka Somaliland, halka qaarkoodna ay dhar ka tosheen, iyaga oo ugu dabbaal-degaya xuska 18 May oo berri ku began. “Damaashaad wanaagsan”iyo ereyo la mid ahi waa weedhaha ay inta badan dadweynuhu isdhaafsanayaan.

 

Inkasta oo aanay jirin cid si cad u muujisay wax liddi ku ah 18 May, marka laga reebo Wadaad ka mid ah Culimada magaalada Wajaale oo xabsiga loo taxaabay ka dib markii uu ku tiraabay ereyo ka hor jeeda Xuska 18 May, haddana dadweynaha Somaliland ayaa u muuqda kuwo shucuurtoodu kacsan tahay, kuna mashquulsan dabbaal-deggan. “Sanadkan waxa xuska 18 May kaga duwan yahay kuwii hore waxa weeye, waa labaatan guuradii gooni-isu-taagga Somaliland. Anigu maalintaas ayaan dhashay, maantana waad i aragtaa inta aan leékahay, markaa maxaa Somaliland aqoonsi u diiddan?” waxa sidaa yidhi, Axmed Cali Warsame oo ka mid ahaa dhalinyaro dabbaal-deggan maantaba bilaabay oo la hadlayay HOL.

Gebo-gebo:

 

Si kastaba ha ahaatee, ammaanka Somaliland ayaa la adkeeyay, iyada oo maalinta berri ah la filayo in aanu jirin wax dhaqdhaaq Gaadiid ah, isla markaan la hakiyay ilaa fiidnimada dambe ee habeen dambe. Waxaana la dareemayaa in xuskan 18 May ay si wayn uga duwan tahay, ugana ballaadhan tahay xusaskii ka horreeyay.




Barkhad M. Kaariye   Hiiraan Online

[email protected]
Hargeisa, Somaliland.