Isniin, May 16, 2011 (HOL) – Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta shir jara'id ku qabtay Muqdisho ayaa daboolka ka qaaday inay doorashooyinku ay dhacayaan bisha July ee sannadkan, isagoo isagoo beesha calaamka ka codsaday in gacan lagu siiyo qabashada doorashooyinkaas.
Shariif Xasan ayaa sheegay in markii lagu soo dhisayay dowladda dalka Jabuuti lagu heshiiyay in doorasho la qabto marka uu xilliga dowladdan dhamaado, wuxuuna ugu baaqay madaxda xukuumadda KMG ah inay ogolaadaan in doorasho la qabto.
"Xalka dadka iyo dalka Soomaaliya wuxuu ku jiraa in doorasho la qabto, maadaama uu xilligii dowladdan ku eg-yahay 20-ka bisha Ogoosto, waxaana innagu qabnaa in doorasho la qabto," ayuu yiri Shariif Xasan.
Afhayeenka baarlamaanka ayaa intaas ku daray inay diyaar u yihiin in heshiis laga gaaro khilaafaadyada ku aaddan qaabka ay doorashadu u dhacayso, wuxuuna si gaar ah ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif inuu kaalin ka qaato sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho xor ah.
"Beesha Calaamka iyo madaxweynaha Soomaaliya waxaan ka codsanaynaa inay gacan ka geystaan sidii ay gudaha dalka uga dhici lahayd doorasho," ayuu shirkiisa jaraa'id ku sheegay afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya.
Shariif Xasan wuxuu walaac ka muujiyay in haddii la gaaro xilliga ay dowladdu dhacayso ay dhici karto in la arko dad badan oo madaxweynayaal sheegana, sidaa daraadeedna ay u arkaan in taas looga gudbi karo iyadoo doorashooyin la qabto, lana doorto madaxweyne cusub iyo guddoon baarlamaan.
Guddoomiyuhu wuxuu soo dhaweeyay go'aankii Qarammada Midoobay ee ku ahaa sare u qaadista joogitaanka hay'adaha gargaarka ee Muqdisho iyo dalka intiisa kale. Isagoo sheegay in baarlamaanku uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay uga wakiilka ah Soomaaliya.
"Ra'iisul wasaaruhu wuxuu ku sheegay hadal uu ka jeediyay golaha ammaanka in baarlamaanka hadda jira uusan dooran karin madaxda dalka, basle waxaa xusuusin mudan in muddo kororsiga baarlamaanka uu gaaray uu yahay talo soo jeedin ka timid IGAD iyo AU-da, taasoo ahayd in dalka laga badbaadiyo inuu meel cidlo ah kusoo dhaco," ayuu Shariif Xasan u sheegay warfidiyeenka.
Intaa kaddib warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka oo warbaahinta loo akhriyay ayaa lagu sheegay in ra'iisul wasaaraha ay xusuusinayaan in xafiiskiisa uu ku fadhiyo kalsooni uu siiyay baarlamaanka oo hooyo u ah hay'adaha dastuuriga. Ra'iisul wasaaraha waxaan ugu baaqaynaa inuu joojiyo xadgudubyda iyo meel ka dhacyada joogtada ah ee ay xukuumaddiisu kula kacayso baarlamaanka.
Ugu dambeyn, waxaa warsaxaafadeedka lagu codsaday hay'adaha kala duwan ee dastuurka in la ixtiraamo kala soocnaanta awoodaha hay'adaha dastuuriga ah, loona daayo hay'ad walba shaqadeeda si loo helo wadashaqeyn looga gudbo marxaladda adag ee uu dalku ku jiro.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya