Madaxda Puntland oo taageeray go'aankii shirkii golaha ammaanka ee ku saabsanaa baaqa loo diray dowladda KMG ah

Khamiis, May 12, 2011 (HOL) – Wasiirka dastuurka iyo arimaha federaalka Puntland Cabdi Xasan Jimcaale oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Puntland ay taageerayso qodabadii ka soo baxay shirkii golaha ammaanka iyo baaqa loo jeediyay madaxda DKMG ah ee Soomaaliya ee ah in doorashada ay dhacdo bisha agoosto ka hor.

"Puntland waxa ay doonaysaa in muddo saacado ah aan dib loo dhigin doorashada loo ballan sanyahay ,waana in madaxda dowladda ay aqbalaan arintaa "ayuu yiri wasiirka oo si faah faahsan uga hadlay go,aanka maamulka.

Waxaa kaloo Cabdi Xasan Jimcaale uu sheegay in shirkii wada tashiga ahaa ee Nairobi lagu soo gaba-gabeeyay lagu wada ballamay in bisha Agoosto aysan dhaafin doorashada,isagoo oo ka digay in waqtiga loo kordhiyo xukuumadda hada jirta.

"Meesha waa in laga saaraa mar-marsiyada ah in xaaladda wadanka ay qal-qal ku jirto ,waayo waxaa wax dooranaya waa 550 xildhibaan oo amnigooda si wayn loo sugay"ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka, isagoo wax laga xumaada ku tilmaamay khilaafka u dhaxeeya madaxda dawladda KMG ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale Cabdi Xasan Jimcaale ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inta ka horaysa doorashada in ay marti galiso shirar wada tashi ah oo looga arinsanayo xaaladda wadanka ,maadaama lagu jiro xiilli kala guur ah sida uu hadalka u dhigay.

Mar wasiirka wax laga waydiiyay waxa ay ka qabaan waqti kororsiga mudada sedexda sano ah ee barlamanka Soomaaliya ay samaysteen billo ka hor ayaa sheegay in arintaa looga wada hadlay shirkii ka dhacay magaalada Nairobi,isla markaana lagu heshiiyay in waqtiga barlamanka uu ku darsaday sedexda sano laga soo yareeyo shaqadiisana uu sii wato.

Shirkii shalay oo arbaca ahayd ay yeesheen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa laga soo saaray qodobo muhiim ah oo la xiriira xaaladda wadanka Soomaaliya iyo in aan doorashada waqtigeed dib looga dhigin, taasoo kor u sii qaadaysa khilaafka dowladda ka dhex taagan.

Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaaso, Soomaaliya