
Khamiis, Maarso 31, 2011 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan ka qaybgalayn shirka la isugu keenayo maamul goboleedyada dalka ka jira ee lagu wado inuu bisha soo socota dhamaadkeeda lagu qabto magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxayna shirkaas ku tilmaameen mid caqabad ku ah howlaha dowladda.
Wasiirka Warfaafinta, Boosatada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya, C/kariin Xasan Jaamac ayaa sheegay in go’aankan lagu gaaray shir ay maanta yeesheen golaha wasiirada DKMG ah, isagoo sheegay in golaha wasiiradu ay ergayga gaarka ah iyo beesha calaamka ka codsadeen in xal u helidda arrimaha Soomaaliya loo daayo shacabka Soomaaliyeed.
“Golaha wasiirada dood dheer kaddib waxay isku raaceen inaysan ka qaybgalin shirka Nairobi, maadamaa uu caqabad ku yahay horumarka ay dowladda KMG ah ka sameysay afartii bilood ee ay jirtay dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo maamul wanaaga,” ayuu yiri wasiirka oo wareysi siiyay VOA-da markii uu shirka wasiirada lasoo xiray.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay wado wada-tashiyo ay la sameynayso qaybaha kala duwan ee bulshada sidii nabad waarta loo heli lahaa, ayna u aragtay inaysan haboonayn in waqti lagu lumiyo ama lagu mashquulo isku keenida maamullada dalka ka jira.
Mar la weydiiyay su’aal ahayd waxay DKMG ah ku qoonsanayso shirka maadaama ay ka mid yihiin waxyaabaha looga hadlayo xallinta khilaafaadyada u dhexeeya hay’adaha dowladda, ayuu ku jawaabay: “Runtii khilaafyo yaryar waa jiraan waana la xallin karaa, balse uma aragno shirka inuu yahay mid lagu xallinayo khilaafaadyadaas.”
Wasiirka warfaafinta DKMG ah wuxuu intaas ku daray in ergayga Qarammada Midoobay ee Soomaaliya iyo beesha caalamka ay ka codsanayaan inay ku ixtiraamaan mas’uuliyadda dastuuriga ah ee ka saaran dowladda Soomaaliya xal u helidda dalka ayna ku taageeraan.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu xusay in iyaga loo daayo xal khilaafaadyada Soomaaliya laguna tixgeliyo, isagoo xusay in DKMG ah ay beesha caalamka ka helaan dhaqaale taasna ay uga mahad-celinayaan.
Dhanka kale, dowladda Jabuuti oo dalkeeda lagu qabtay shirki lagu soo dhisay DKMG ah ayaa iyaduna kasoo horjeesatay shirkaas kuna tilmaantay mid looga horjeedo shirkii dib u heshiisiinta ee lagu qabtay dalkeeda sannadkii 2009, waxayna uga digtay madaxda dowladda Soomaaliya inay ka qaybgalaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya