3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 26, 2011
Kenya oo muujisay inay taageersantahay maamul goboleedka Azania , iyo Prof. Gaandi oo ku hanjabay inuu la dagaallamayo kooxaha kasoo horjeeda maamulkiisa



Axad, June 26, 2011(HOL) , Nairobi, Kenya - Shir ay soo qabanqaabiyeen qaar ka mid ah haweenka, Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi ayaa lagu taageeray maamulka Azania, oo uu madaxweyne ka yahay wasiirkii hore ee gaashaandhigga ee Soomaaliya Prof. Maxamed Cabdi Gaandi.

Sahro Dable Ibraahim oo ahayd madaxii qabanqaabada, ayaa sheegtay inay taageersanyihiin maamulka Azania.

Sahro ayaa tilmaantay in haweenka ku nool gobollada uu maamulkaani ku magacaabanyahay ay la kulmeen tacaddiyo lixaad leh xilligii dagaalka sokeeye, taasoo ay sheegtay in looga bixi karo garab istaagidda maamulka Azania.

Dahabo Faaqid oo iyaduna halkaas gabay dheer ka jeedisay ayaa ka hadashay halgankii dheeraa ee ay dadkii xorriyadda Soomaaliya u soo galay ay naftooda u hureen, iyadoo tusaale u soo qaadatay Axmed Gurey iyo Sayid Maxamed Cabdille Xassan oo labaduba ahaa halyeeyadii Soomaaliya ee lagu xasuusto dagaalladii ay la galeen gumaystayaasha.

Dahabo waxay sheegtay in xafladooda ay ku soo aadiyeen maanta oo ku beegan ,markii ay gobollada waqooyi ee Soomaaliya xoroobeen, iyadoo ka dalbatay haweenka deegaanada Azania inay isu taagaan sidii ay u horkici lahaayeen maamulka Azania.

Ugaas Cumar Cabdi Xiireey oo ku hadlay magaca salaadiinta saddexda gobol ee looga dhawaaqay Azania ( labada Jubbo iyo Gedo) ayaa sheegay inay difaaci doonaan maamulka Azania maanta wixii ka dambeeya isla markaana ay ka hortagi doonaan, kooxaha hubaysan ee kasoo horjeeda maamulkaas.

Ugaaska ayaa mahad u jeediyay taageerada haweenka oo uu sheegay inay laf dhabar u yihiin maamul walba oo la sameeyo.

Dawladda Kenya ayaa shirkaan waxaa uga qaybgalay xildhibaankii hore ee koonfurta wajeer, isla markaana ah u qaabilsanaha Kenya arrimaha gobollada la isku yiraahdo Azania C/raxmaan Cali Xassan Colow.



Mudane Colow ayaa tilmaamay in xasiloonida Kenya ay danaynayaan, ayna taasi ku jirto in maamul xasilloon laga hirgaliyo deegaanadda ku teedsan xadka Kenya.

Xildhibaankii hore ayaa ka codsaday dadka deegaankaas inay isku tashadaan isla markaana ay ku dadaalaan sidii ay u adkyasan lahaayeen maamulkooda.

Ugu dambayntiina waxaa halkaas khudbad gaaban ka jeediyay Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo u mahad celiyay haweenkii xafladda soo qaban qaabiyay.

Gaandi oo ku hanjabay inuu la dagaallami doono kooxaha kasoo horjeeda, ayaa haddana sheegay in maamulkaan ujeedadiisu ay tahay xasillooni ku soo dabaalidda gobollada Azania iyo guud ahaanba dalka Soomaaliya.

Prof. Gaandi waxaa uu iska fogeeyay in maamulkiisu uu yahay mid qabiil, isagoo sheegay inuu yahay mid ay ku midaysanyihiin dadka deegaanka ee kasoo jeeda qabaa’il kala duwan.


Xafladda lagu taageerayay maamulka Azania waxaa ay qayb ka tahay xaflado noocaan oo kala ah oo lagu taageero maamullada looga dhawaaqay bannaanka Soomaaliya, kuwaasoo sannadihii ugu dambeeyay si wayn isu soo tarayay.

Axmed Cabdisamad,Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya













Click here
6/26/2011 1:50 PM EST
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa cafis u fidiyay 6 nin oo ajnabi ah oo horay maxakadda gobolka banaadir ay ugu xukuntay xabsi u dhexeeya 10 sano ilaa 15 iyo sano laguna ganaaxay lacag gaaraysa $10,000 ilaa iyo $15,000.

6/26/2011 7:49 AM EST
Axad, June 26, 2011 (HOL) – Taliyaha ciidamada Uganda ee ku sugan Muqdisho Col. Patrick oo u warramayay wargeyska Suday Monitor ee kasoo baxa Uganda ayaa sheegay inaysan Soomaaliya ka jirin nabad la ilaaliyo, balse ay ka socdaan dagaallo u dhexeeyay dowladda iyo xoogag hubeysan.

6/26/2011 7:29 AM EST
Axad, June 26, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho isagoo kusii jeeda magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta oo uu uga sii gudbi doona dalka Ingiriiska.

6/26/2011 7:27 AM EST
Axad, June 26, 2011 (HOL) – Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay israsaaseyn maanta ku dhexmaray degmada Wadajir ee magaalado Muqdisho laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya, halka laba qof oo mid askari uu yahayna ay ku dhaawacmeen

6/26/2011 7:24 AM EST
Axad, June 26, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta sheegay inay awood u adeegsan doonaan sidii ay u soo celin lahaayeen nabadda Soomaaliya, isagoo shacabka ka dalbaday inay gacan ka geystaan soo celinta ammaanka guud ee Soomaaliya.

6/26/2011 6:28 AM EST
Axad, June 26, 2011 (HOL) – Deegaanada Puntland bilihii ugu danbeeyay waxaa ka dhacay dilal argagax leh ,kuwaasi oo inta badan loo gaystay dad bulshada dhexdeeda masuuliyad wayn ka hayay, waxaana dhacda inaan la helin cidda dilalkaas fulisa.

6/26/2011 3:58 AM EST
Axad, June 26, 2011 (HOL) – Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa wadda qaban-qaabo ballaaran oo ku aaddan xuska 51-guuradii kasoo wareegtay is-raacii gobollada Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya, isla markaana ah markii ay gobollada Koonfureed ee Soomaaliya ay xorriyadooda ka qaateen gumeystihii Talyaaniga 01-dii Luuliyo (July) 1960-kii.

6/26/2011 3:37 AM EST
Axad, June 26, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay guddoonsiiyay billad-sharaf ra'iisul wasaarihii la casilay ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), shahaadadaas oo ka turjumaysay wax-qabadkiisii muddadii yarayd ee uu xilka hayay.

6/26/2011 3:35 AM EST
Axad, June 26, 2011 (HOL) – Munaasabad lagu maamuusayay sannad-guuradii 51-aad ee kasoo wareegtay markii gobollada waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) ay xorriyadooda ka qaateen gumeystihii Ingriiska 1960-kii ayaa xalay lagu qabtay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho.

6/26/2011 3:33 AM EST
Axad, June 26, 2011 (HOL) – Ugu yaraan shan qof oo dhinacyadii dagaalamay ka mid ah ayaa ku dhintay dagaal iyo duqeymo isbarbar socday oo xalay ka dhacay duleedka degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, waxaana dhaawacmay tiro intaas ka badan.