Maxamed C/llaahi Famaajo oo ku gacan-sayray dalab xukuumadda Uganda ay uga codsatay inuu iscasilo

Axad, June 19, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa gaashaanka ku dhuftay codsi saraakiil uu horkacayay taliyaha ciidamada dalka Uganda ay uga dalbadeen inuu xilka iska casilo, sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku sugan xafiiska ra'iisul wasaaraha Xukuumadda KMG ah.

Mudane Farmaajo, ayaa la sheegay inuu maalmihii lasoo dhaafay xafiiskiisa kula shirayay shan sarkaal oo ka socda dalka Uganda kuwaasoo siday fariin uu Museveni kaga codsanayay ra'iisul wasaaraha inuu xilka isaga casilo muddo saddex maalmood ah.

"Waxaad tihiin nabad-ilaaliyeyaal waana inaad howshiina ku ekaataan... Xal u helidda siyaasadda Soomaaliya waa mid u taalla Soomaalida," ayay warbaahinta qaarkood kasoo xigteen inuu ra'iisul wasaaruhu ugu jawaabay saraakiisha ka socday dalka Uganda.

Taliyaha ciidamada Uganda Jen. Aronda Nyakairima oo ahaa hoggaamiyaha wafdiga ka socda dalka Uganda ayaa la sheegay in ra'iisul wasaaraha uu ka codsaday inuu u raaco dalka Uganda si uu ula soo kulmo madaxweynaha dalkaas, balse mar kale ayuu Farmaajo ku gacan-sayray codsigaas.

Heshiis todobaadyo ka hor ay ku gaareen dalka Uganda madaxweyaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhigayay in ra'iisul wasaaraha Soomaaliya uu xilka isaga casilo muddo bil gudaheed ah, kaddib markii uu guddoomiyuhu sheegay inaysan 12-ka bilood ee soo socda wadashaqeyn karin xukuumadda iyo baarlamaanka.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shir jaraa'id oo uu tododbaadkii hore ku qabtay Muqdisho ku sheegay inuusan xilka iska-casilayn ayna isaga iyo golihiisa wasiirradu go'aansadeen inay dalka iyo dadka Soomaaliyeed u shaqeeyaan inta xildhibaannada baarlamaanku ay go'aan ka gaarayaan heshiiskii Kampala.

Kulammadaas natiijo la'aanta ku dhamaaday kaddib ayuu ra'iisul wasaare Farmaajo wuxuu kulammo albaabbadu u xiran yihiin la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif, kuwaasoo salka ku hayay wadahadalladii dhexmaray ra'iisul wasaare Farmaajo iyo saraakiishii ka socday dalka Uganda.

Ma jirto wax war ah oo weli kasoo baxay illaa laba kulan oo ay madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaruhu yeesheen illaa xalay.

Xukuumadda Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 5,000 askari kuwaasoo qayb ka ah howlgalka AMISOM, waxaana madaxweynaha Uganda uu horay ugu goodiyay inuu ciidamadiisa la bixi doono haddii aan DKMG ah ee Soomaaliya muddo hal sano ah loo kordhin xilliga ay shaqeynayso.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya