4/12/2025
Today from Hiiraan Online: Five civilians killed in Al-Shabaab landmine blast in Middle...
Wararka Maanta- Sabti, Jun 18, 2011
Deegaannada Puntland oo ka mid noqday meelaha lagu dhibaateeyo caruurta ugu badan gudaha Soomaaliya

Sabti, June 18, 2011 (HOL) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda haweenka iyo arimaha qoyska Puntland Saynab Ugaas Yaasiin oo ka qayb-gashay kulan lagu xusayay maalinta caruurta Africa ayaa sheegtay in meelaha ugu badan ee caruurta lagu dhibaateeyo ay Soomaaliya ka mid tahay gaar ahaan goobahaa maamul-goboleedyada ay ka jiraan.

"Dayaca haysta caruur badan oo Soomaaliyeed waxaan dhihi karnaa waxaa masuuliyadeeda iska leh dadka maanta xilalka haya sida DKMG ah iyo maamulada dalka ka jira "ayey tiri Saynab oo sheegtay in tacadiyo badan ay la kulmaan caruurta ku nool gudaha dalka.

Wasiir-ku xigeenka ayaa si gaar ah Puntland ugu baaqday in caruurta loo sameeyo fursado gaar ah oo ay ka faa'daystaan sida waxbarasho lacag la'aan ah iyo daryeel caafimaad oo dhamaystiran, iyadoo ka digtay in caruurta siyaabo khaldan loo adeegsado.

"Sida aan wada ogsoonahay danbi badan ayaa laga galay caruurteena qaarkood maanta ma haystaan nolol iyo waxbarasho ,qarkoodna waxaa loo isticmaalaa dagaalada ka jira gudaha Soomaaliya," ayay mar kale tiri, iyada oo kooxaha ku dagaallamaya Soomaaliya ugu baaqday in caruurta ay daryeel gaar ah siiyaan.

Gudoomiye ku xigeenka barlamanka Puntland ayaa kamid ah masuuliyiintii sida faah-faahsan uga hadlay dhibaatada lagu hayo caruurta Africa, waxaana uu sheegay in Soomaalida looga baahanyahay sidii ay ugu fiirsan lahaayeen mustaqbalka ubadkooda.

"Anigu waxaan qabaa in dayaca caruurta uu qayb-ka yahay guurka oo aan laga fiirsan sidaa daraadeed, waa inaan xil gaar ah iska saarnaa caruuteena," ayuu yiri Salaad Xareed oo sheegay in Africa oo dhan ay ku dayacan yihiin caruur malaayiin ka badan.

Maalinta caruurta Africa oo ku beegnayd 16-kii bishan ayaa siyaabo kala duwan waxaa looga xusay meelo badan oo kamid ah deegaanada Puntland,waxaana magaaloyinka gobolka marka aad booqato ku arkaysaa caruur badan dhibaataysan, iyadoo ay jirto in caruurta qaar loo diido laguna bahdilo khidmaha ay ka shaqaystaan magaalooyinka qaar.

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
boston@hiiraan.com
Boosaaso, Soomaaliya