Arbaco, June 15, 2011 (HOL) – Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa ugu baaqay ra'iisul wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaailya Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu u hoggaansamo heshiiskii laug gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda uuna is-casilo.
Mudanayaashan ayaa sheegay in haddii uu ra'iisul wasaaruhu fulin waayo heshiiskii Kampala uu dalku cagaha la geli doono marxalad ka duwan midda uu hadda ku jiro, waxayna sidoo kale dhaliileen dibadbaxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho ee lagu taageerayay xukuumadda.
"Inta ay goori-goor tahay oo aanu dalku ku laaban dhibaatadii uu soo maray waa inuu Farmaajo fuliyaa heshiisii lagu gaaray Kampala oo uu xilka iska casilo, haddii uu taas sameyn waayo dalka wuxuu lugaha la galayaa dhibaato," ayuu yiri xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ahaa mudanayaasha shirka jaraa'id qabtay.
Mudane Xaabasade ayaa sheegay inay jiraan xildhibaanno sheegaya inay codka siinayaan Farmaajo, wuxuuna sheegay sheegay inuusan isagu diyaar ku jirin arrintaas, isagoo ka digay in la horseedo in dalka uu dib ugu laabto dhibkii laga soo gudbay.
Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq (Afaraale) oo ka mid ahaa mudanayaashii shirka jaraa'id ka hadlay ayaa isagu si gaar ah diiradda u saaray dibadbaxyadii ka dhacay Muqdisho, isagoo ku tilmaamay inay ahaayeen afgambi fashilmay.
"Markii ay soo baxeen go'aannadii Kampala waxaa Muqdisho ka dhacay dibadbaxyo wajiyo badan, waxaana u arkaa inaan waxba lagu toosinayn, balse loogu talogalay in wa lagu qaribo, waxayna ahaayeen kacaan fashilmay," ayuu yiri Afaraale.
Xildhibaanku wuxuu sidoo kale sheegay in mudaaharaadyadaas haddii ay ahaayeen kuwo wax lagu toosinayo aan la gubeen masawirrada madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif iyo midka guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan, isla markaana lagu handado dadka gaadiidka wata inay jidadka ku maraan masawirka Farmaajo.
Ugu dambeyn, xildhibaan Maxamed Afaraale wuxuu ugu baaqay hay'adaha nabad-sugidda dowladda inay baaritaanno ku sameeyaan mudaaharaadyadii dhacay iyo weliba dhibaatooyinkii dhacay intii ay socdeen, ciddii ay ku caddaato inay ka dambeysayna sharciga la horkeeno.
Mudanayaashan oo u muuqday inay taageersan yihiin guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan ayaa hadalkooda wuxuu imaanayaa iyadoo ra'iisul wasaare Farmaajo uu shalay sheegay inuusan xilkiisa iska casilayn inta baarlamaanku uu go'aan ka gaarayo heshiiskii Kampala.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya