Sabti, June 11, 2011 (HOL) – Wasiirkii arrimaha gudaha iyo ammaankii Qaranka ee Soomaaliya C/shakuur Sheekh Xasan Faarax ayaa maanta lagu aasay qurbuuraha Sheekh Suufi oo ku yaalla dhabarka dambe ee madaxtooyada Soomaaliya, waxaana aaskiisa ka qaybgalay xildhibaanno, wasiirro iyo xubno ka tiran maamulka gobolka Banaadir.
Inkastoo madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo ra'iisul wasaare Maxamed C/llaahi Farmaajo aysan ka qaybgelin aaska, ayaa haddana waxaa ka dhexmuuqday dadka ka qaybgalay ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Maxmed C/llaahi Oomaar.
Maydka wasiirkii hore ee arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka ayaa salaaddii duhur kaddib lagula tukaday salaadda janaasadaha ah masjid madaxtooyada ku dhexyaalla, iyadoo janaasada uu tujiyay madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa ka qaybgalay ra'iisul wasaare Farmaajo.
Intaas kaddib ayaa waxaa loo qaaday maydka dhinaca qubuuraha Sheekh Suufi oo lagu aasay, waxaana dadkii ka qaybgalay aaska ku jiray walaalkiis Macallin Max'ud Sheekh Xasan Faarax iyo wiil uu dhalay wasiirka geeriyooday.
"C/shakuur waxaa dishay gacan ka xaq daran," ayuu goobta aaska ka sheegay Macallin Maxamuud oo ay walaalo ahaayeen, wuxuuna si kulul u cambaareeyay dilka wasiirka.
Xubnaha hadlay markii aasku dhammaaday ayaa waxaa ka mid ah Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), iyadoo xubnihii hadlay oo dhan ay cambaareeyeen qaabkii loo dilay wasiirka iyadoo ku tilmaamay fal fool xun.
Ugu dambeyn, waxaana goobta ka hadlay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) isagoo sheegay in C/shakuur ay isku meel kusoo koreen ayna isbarteen sannadkii 1962-kii, isagoo sheegay inuu ahaa nin aad u wanaagsan.
Wasiirkii arrimaha gudaha oo maanta la aasay ayaa ifka uga tagay afar caruur ah iyo hal xaas, waxaana uu xalay fiidkii u dhintay qarax ka dhacay gudaha gurigiisa marqribnimadii shalay, waxaana mas'uuliyadda dilkiisa sheegatay Xarrakad Al-shabaab.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya