4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 25, 2011
Shirweynaha Azaaniya oo ka furmay Limuru iyo dawladda Soomaaliya oo taageertay maamulkaas (SAWIRRO)



Isniin, July 25, 2011(HOL) Nairobi, Kenya - Shir ay kasoo qayb galeen boqollaal ergo ah oo kakala yimid gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa maanta ka furmay deegaanka Limuru oo 30km u jira magaalada Nairobi.

Shirkan oo ah kii ugu ballaarnaa ee ay qabtaan masuuliyiinta maamulka Azaaniya ayaa lagu sheegay ajandihiisa soo dhisitaanka golayaasha baarlamaanka,guurtida iyo xukuumadda , iyadoo uu shirku socon doono 5 maalmood.

Qunsulka safaaradda Soomaalida ee magaalada Nairobi Maxamed Cismaan Aadan Edson  oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirka ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay si bareer ah u taageerayso maamulka Azaaniya, isla markaana ay dawaldda Soomaaliya xog ogaal u tahay ka qaybgalkiisa shirka.

Qunsulka ayaa tilmaamay in xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ay taageerayso maamul walba oo ka shaqaynaya nabadda iyo xasilinta gobollo amaba guud ahaanba Soomaaliya.

Ilyaas Barre Shiil oo u qaabilsan Ra’iisul wasaaraha Kenya arrimaha Soomaaliya oo khudbad qiiro leh ka jeediyay  goobtaasi ayaa si kulul u weeraray xarakada Alshabaab.

“Waxaan arki jirnay wadaado dadka dhibaataysan wax u uruuriya, kuwaani waa kuwo qori la hor taagan dadkii cawimaadda u gudbin lahaa dadka abaaruhu ay ku habsadeen”. Ayuu yiri Ilyaas.

Ilyaas ayaa ku canaantay Soomaalida inay dalkooda dayaceen isla markaana ay ku faanayaan baasaboorro ajnabi ah oo ay qaateen sida uu yiri.

“Mid walba wuxuu sitaa baasaboor ajnabi ah, wuuna isla fiicanyahay oo hurinayaa colaadda dalkiisa ka jirta, Soomaaliyeey sida isu dhaama”. Ayuu yiri Ilyaas oo Soomaalida ku boorriyay inay dalkooda khayraadka badan ka faa’iidaystaan.

Madaxweynaha maamulka Azaaniya Prof. Maxamed Cabdi Gaandi  oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in maamulkiisu uu yahay mid ku salaysan nidaamka deegaamaysiga, isagoo iska fogeeyay eedaymaha sheegaya in Azaaniya ay qabiil ku dhisantahay.

Gaandi  waxaa uu ka codsaday salaadiinta iyo waxgaradka shirka ka qaybgalaya inay wax ku qaybsadaan si ay cadaaladi ku jirto .

Shirka Azaaniya maanta uga furmay magaalada Limuru waxaa uu imaanayaa xilli ay qaar kamid ah xildhibaanada DKMG ah ee Soomaaliya  ay  eedaymo  u  soo jeediyeen maamulkaas oo ay ku tilmaameen inay taageerayaan dawlado shisheeye.






Axmed Cabdisamad, Hiraan Online
[email protected]
Nairobi, Kenya